Cabdiweli Gaas: Miyaanu Ogayn In Eeddiisu Hore Uga Socon Weyday Faroole

0
585

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa Jamhuuriyadda Somaliland ku eedeeyay inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee  ku jirta buuraha galgala.

Eeddaas Mr. Gaas, wuxuu sheegay Isniintii oo uu koox dadweyne ah kula hadlay magaalada Bosaso, waxaana ka daba maray oo isna warkaas sii faafiyay wasiirkiisa amniga. Hadalka Mr. Gaas, wuxuu u muuqdaa mid caqliyadda ka fog, waxaana la fahmi karaa inuu kaga jawaabayo socdaalkii uu Madaxweyne Siilaanyo toddobaadkii hore ku tagay Lasqorey, oo uu ka muraaro dilaacay.

Mr. Gaas, wuxuu isleeyahay eeddani waa mid kaa soconaysa oo aad bulshada caalamka ka iibin kartid, waxase aanu ogayn in madaxweynihii Puntland uga horeeyay Mr. Faroole uu isagu ahaa qofkii u horeeyay ee faafiyay dacaayadan, balse ku guuldaraystay inay ka socoto, sababtoo ah dunidu waxay hadda noqotay edeg yar oo min bari ilaa galbeed wixii ka taagan si fudud loo ogyahay.

Mid ka mid ah dadka ajaanibka ah ee falanqeeya siyaasadda gobalka Geeska Afrika, ayaa shalay boggiisa twitterka si kooban ugaga hadlay eedda Mr. Gaas uu u jeediyay Somaliland. ”Hadalkaas Mr. Gaas haddii uu sidaas u yidhi, waa hadal macno darro ah.” sidaas ayuu yidhi qofkaas ajaanibka ah oo bartiisa twitterka kaga jawaabay eeddaha caqliga ka fog ee Cabdiweli Gaas.

Si kastaba ha ahaate, Mr. Gaas, oo ay dad badani aaminsanaayeen inuu ugu yaraan dhisi doono kaabayaasha bulshada Puntland, ayaa  la mid noqday gorayo haad noqon weyday, waxaanu u muuqdaa nin uga sii daraya xaaladii dhaqaale iyo amni xumo ee ay Puntland ku sugnayd.