“Cabdiweli Gaas Maxbuus ahaan ayaanu Garowe uga soo qaban doonaa.” Xildhibaan Indho-indho

0
521

GAAASHargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (IndhoIndho) oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa Sheegay in madaxweynaha Puntland maxbuus ahaan loo soo qaban doono haddii uu faraha kala bixi waayo deegaanada Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho waxa uu sida oo kale maamul gobaleedka Puntland ugu baaqay inay nabadgalayda ilaaliyeen, isla markaasna ay ixtiraamaan jiritaanka dalalka dunida oo aan ku dhisnayan hayb qabiil.

Waxa uu sidan ku sheegay xildhibaanku mar uu warbaahinta ugu warmayay magaaladda Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Madaxweynu dhulkiisii ayuu tagay, Somalilandna Garowe ayay ilaalisaa, haddii uu Cabdiwali isku dayo inuu deegaan Somaliland leedahay uu soo faro galiyo ciiddamada qaranku 40km ayay u jiraan isaga oo maxbuus ah ayaanu ka soo qaban  doonaa   Garowe. aduunka dawlad qabiil ahi ma jirto, madaxweynahaas kililka shanaad ee uu maalintii dhawayd la joogay(Cabdiwali Gaas)  sideetan qoomiyadood ayuu wax la leeyahay oo qaarkood ay bilaa diin yihiin, oo qaar aanay dhar gashanayn, aduunkana cid tidhaahda qabiil ayaan dawlad ku ahay ma jirto, anagu hadduunu nahay Dhulbahante iyo Warsangali Somaliland ayaanu nahay, Ogaadeena waa Itoobiya, Majeerteena Hawiye ayuu wax la leeyahay, waxa u dhaanta wiilkaas inta uu leeyahay Somaliland ayaan soo fara galinayaa inuu mideeyo Gaalkacayo oo Hawiye ay wada dagenyihiin oo laba maamul ka jiro, ku xigeenkiisana waxaan leeyahay nabadii Buuhoodle ayaa lagaa rabaaye lagaama rabo Inaad dagaala la soo doonato Laasqoray, hadii aad isku daydaan inaad Somaliland soo faro galisaan idinkoo maxaabiis ah ayaanu Garowe idinka soo qabanaynaa inta ciidanka qaranku idiin jirna waad ogtihiin.”