Cabdiraxmaan-Cirro Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Shacabka La Hadlo

33
2803

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee la xusay in dalka Jabuuti lagu qaban doono iyo qodobada ay xukumadu ka so saartay sicir bararka.

Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan iyo Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumaddu qodobadii loo baahnaa aanay ka soo saarin Sicir bararka, waxaana ugu horeyn Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka hadlaya wada hadalada ayaa yidhi “In Turkiga laga soo wareejiyo oo Jabuuti loo soo wareejiyo waa dariiqad sax ah, waayo Jabuuti waa dal walaalaheena ah, waa dal garanaya dhaqanka Somalida, si wanaagsana u garanayaa, waana dad Somali ah, oo walaalaheen ah, waa dad waxyaabaha ina dhex yaala inaga iyo Somaliya aad xogogaal ugu ah, in wada hadalada Jabuuti loo soo wareejiyaana waxaan qabaa inay munaasib tahay, hasa yeeshe Shirka Somaliland iyo Somaliya dhex maraya ee ku saabsana qadiyada Somaliland, waxaan u arkaa in aanay wali Somaliya u bislayeen wada hadalkaas, oo go’aan cad oo run ah, oo waaqa ku dhisan aanay wali ka gaadhin, markaas in ilaa inta ay u bislaanayso waxaan qabaa in kulamada lala yeelanayo Somaliya ay noqdaan kulamo iska dublamaasiya, oo midhaha ka soo baxaya maaha kuwa midho dhala ah, ee waa I jiid aan ku jiide”.
Xildhibaan Siciid Cartan mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Anigu ma qabo in qodobadani xal u noqonayaan sicir bararka, oo qodobadan la soo saaray hawlo badan iyo nidaamyo badan oo ka duwan oo ka door roon ayaan filayaa, in wax lagaga qaban karo, oo kaga haboonayeen in la soo saaro si wax looga qabto, laakiin haddii ay Xukuumaddii xal mooday, oo ay qodobadan xal mooday, waanu eegi doona siday wax uga qabato, laakiin waxa xaqiiqo ah inay jirto isku dheeli tir la’aaneed oo lacageed, dalkan xoolo ayaa ka dhoofi jiray, xoolahaasi waxay ahaayeen meesha qudha ee dhaqaalaheenu ku tiirsanaa, xoolihii waa la inaga joojiyey, dalkiina doolar fara badan oo dhex wareegayaa ma jiro, ee shilinkeenii ayaa aad u batay, markaas marka la helo isku dheeli tir lacageed ayaa sicir bararka wax laga qabanayaa, mana qabo in waxan la sheegayaa inay wax ka tarayaan sicir bararka, laakiin waa la dadaalaya, ee waxaan leeyahay ha la dadaalo”.
Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna ugu horeyn ka hadlaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Waxaan anigu aaminsan nahay in haddii wada hadalo la sameeynayo in aanay sidii hore noqon, oo waa inay marka hore cadaata ujeedada aynu ka leenahay, oo Komishan loo sameeyaa, Somaliya iyo cidii kale ee lala hadlayaba, Komishankaasina waa inay daraasad sameeyaan, oo ay iskugu jiraan sharci yaqaano, dad taariikhda wax uga ogaa, cida la diraana waa inay go’an tahay waxay ka hadlayaan, oo la yidhaahda halkaas ma dhaafi kartaan, waa in Golaha lagu soo celiyaa Xeerkii hore ee dabarka lagaga furay, oo dib loo nidaamiyaa, si ay wada hadaladu u noqdaan wax sharciya, oo waxa laga hadlayo iyo waxa ka reebana ay cad yihiin, wixii hore ee lagu wada hadlaayey anigu waxaan u arkaa lacag la kala qaybsanaayey, wada hadaladaasina sumcadii Somaliland dhulka ayey la galeen, haddii wada hadaladii hore oo kale sii socdaana Somaliland ma jirto ayey noqonaysaa, Dastuurkeena waxa ku qoran gooni isu taaga Somaliland waa muqadas, Somalyada aynu la hadlaynana Dastuurkooda waxa ku yaala midnimadu waa muqadas, anigu wixii inaga dhexeeyey aynu kala gurano mooye, wax kale oo laga wada hadlo garan maayo, oo labadaba Dastuur baa caddeeyey, ee aynu ka wada hadalno sidii aynu u qaybsan lahayn wixii inaga dhexeeyey, ee halkii ay ka waday Dawladdii Daahir Rayaale ee ahayd Wadamada Afrika, in laga raadiyo Ictiraafka, halkaas ayey ka dhawayd ee ha lagu noqdo talaabadii, Xukuumaddii Siillaanyana daacad kamay ahayn”.
Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Waxan ay soo saartay Xukuumaddu maxaynu ku magacawnaa xeer, ma waxaynu ku magacawna heshiis, magaca ay qaadatay garan mayno waa lagu jahaweeraray, haddii ay yihiin qodobadani heshiis waa in xeer Barlaaman uu ku yimaada, qodobadana maaha ee waa is fahan guud, mana ah runtii go’aan iyo qodobo is fiican loo darsay, lagamana fiirsan, runtiina ilama ah in wax lagaga qaban karo arimahan sicir bararka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here