Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Oo Shirweynaha KULMIYE Ku Tilmaamay Shir Beeleed

0
702

Picture3Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa shir beeleed ku tilmaamay shirweynaha xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay in ergooyinka beelo lagu qaybiyay,waraaqaha beelo lagu bixiyay, isla markaana loo kala fadhiistay beelo.

Waxa uu sida oo kale ku tilmaamay shirkaas mid aan waxba ka soo baxayn, maadaama oo aan lagu dooranayn masuuliyiin ama lagaga doodayn afkaar.waxa uu ugu baaqay xisbiga Kulmiye in ay qabtaan doorashooyinka, isla markaasn aanay ka aqbali doonin dib u dhac.

Waxa u sidan u sheegay Cabdiramaan Cabdiqaadir warbaahinta wax yar uun ka dib markii uu soo dhammaaday furitaankii shirweynaha xisbiga Kulmiye waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan“Ma jecli inaana Kulmiye ku talax tago, laakiin waxii khaladaad ah isma qarin karaan, Kulmiye in badan ayuu foolanaayay, waxay ila tahay markii shanaad ee dib loo dhigo inay ahayd ayaan filayaa, markaas haddii ay u suurto gashay inay qabsadaan waa ay is dhaceen ayaan filayaa,laakiin anigu shir xisbi meeshan kumaan arag ee shir beeleed ayaan u arkaa, ergooyinku beelo ayay ku yimaadeen, waraaqaha beelo ayaa lagu bixinaayay, kuraasta meesha ee la fadhiisanaayayna waxa ay ahaayeen reer reer, nimankan xisbiyada qalad ayay ka fahmeen ee xisbiyada waxaynu u samaysanay in aynu beelaha kaga baxno, Madasha ayaa lagu maagi jiray waxa aad qabanaysaan shir beeleed, maanta haddii uu dalka shir beeleed ka dhacay waa kaas Kulmiye, waana nasiib daro.”

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaan u malaynayaa nidaamka caynkaas ahi inuu yahay mid dib inoo riday, nasiib wanaagse umaddu waxay shuqul ku leedahay maaha, shirkani shir ay wax ka soo baxayaan iilama eega, mid laysku dooranayo iyo mid doodi ka dhacayso toona maaha, mid wax lagu ansixinaayo maaha, adigu shirbeeleed wax la soo qorsheeyay oo shirarkii shuuciga ee Moosko ka dhici jiray ayuun baan anigu u arkayaa. midna waanu ku faraxsanahay oo inbadan ayaa dadka lagu mashquuliyay shirka Kulmiye inuu mar ina dhaafo waa loo baahan yahay.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir  ugu danbaynti waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan“Waxaanu leenahay shirkiinii qabsate odaygii meelwalba marise oo soo dabaaley,caafimaadkiisii waa uu wanaagsan yahay na tidhaahde. Waxaad isku haysateen inaad dawlad wanaagsan tihiin,anaguna waxaanu idiin haysanaa tii ugu musuqa badnayd,ugu dhibaataynta badnayd, ugu eexashada badnayd, ugu tamarta yarayd, oo loo baahan yahay in dalka laga qabto, xisbigaasna waxaanu u haysanaa mid ay maanta u dhamaatay, xisbi uma haysanee waxa  aanu u haysanaa beelo isku yimid. Maxaa ina kala saaraya? Waxa ina kala saarayaa waa bulshada Somaliland, doorashada qabta oo wakhtigeedii ku qabta, hadaad heshaana tahniyad ayaanu idiinku daraynaa, hadaad heli waydaana dariiqaas ayaad ka baxaysaan, waxaanaan idinka aqbalayn inaad tidhaahdaan doorasho ayaa dib loo dhigay, kaas yeeli mayno, badka iskeena oo waxba ha baqanina,waxan aad sheeganaysaan iyo dhagaxyada aad meelahaas dhigaysaan ku dooda, anaguna musuq maasuqiina ayaanu sheegi doonaa, eexashadiina ayaanu sheegi doonaa,tamar darnidiina ayaanu sheegi doonaa iyo fashilaadiina.”