Cabdiraxmaan Aw Cali Iyo Suldaan Cabdillaah Oo Ka Hadlay Furitaanka Shirka Ceel-Afweyn

46
3350

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ka mid ah Ergada Shirka dhex-dhexaadinta ee Ceel-afweyn iyo Suldaanka guud ee Beelaha Habar Jeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Ceel-afweyn ee dhexdhexaadinta oo furmay.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Shirku si wanaagsan buu u socdaa, ILLAAHAY khayr buu insha allaah inoogu dhamayn doonaa, heshiis waara iyo rajo aad u wanaagsana waanu qabnaa, sadaashayaduna wey wanaagsan tahay, Shirkana waxaanu u nimid sidii islaax iyo wanaag uga dhex dhalin lahayn, labadan beelood ee walaalaha, ALLENA bogooda burcad ha isku mariyo, ALLENA xaqa ha ina waafajiyo”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Shirkan Ceel-afweyn ayaa yidhi “Wax-garadka, Odayaasha, Madax-dhaqameedka, Aqoonyahanka iyo Culimada Somaliland, waxay Shirkan u yimaadeen, waa sidii meesha looga saari lahaa colaada, heshiis iyo walaaltinimana loogu horseedi lahaa labadan Beelood, ee walaalaha ah, Shirkana waanu ku ducaynay, ALLENA waxaanu ka baryeynaa inuu ducada inoo aqbalo, oo dagaal dambe dhicin”.

Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, oo isna u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Garnaqsigii wali wax baa ka dhiman, waa bilaw, balse rajo qab aad u fiican baanu ka qabnaa Shirkii oo bilaabmay,  ALLENA khayr buu ka dhigi doonaa,sida roon ayeyna wax walba noqon doonaan, kolay hadda waa bilaw, laakiin sidiis wacan ee ay wax inoogu bilaawdeen, inay inoogu dhammaadan ayaa muhiim ah, oo daruuriya, weyna inoogu dhammaan doonaan haddii Rabi idmo, ee mar walba wanaaga iyo nabada ha laga wada taliyo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here