Cabdillaahi Jawaan Oo Soo Dhaweeyay Mashaariicda Laga Hirgeliyay Degmada War-Cimraan

0
777

Picture5Hargeysa(Geeska)-Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa soo jeediyay in si odaytinimo leh loo dhammeeyo, xalna loogu helo xayiraada saaran wargeyska Haatuf iyo dareenada ka dhashay qormooyinkii uu wargeysku hore u baahiyay.

Cabdilaahi, oo shalay warbaahinta la hadlay wuxuu soo jeediyay si aanay qaddiyadani u jiitamin inay muhiim tahay in daawo loo helo inta ay aanay sii fogaanin. Wuxuu sheegay inuu ka xunyahay warar uu sheegay in laga qoray degmada War-Cimraan ee gobalka Togdheer oo dhawaan mashaariic horumarineed ay xukuumadda Somaliland ka hirgelisay. Sidoo kalena wuxuu soo jeediyay in wargeyska Haatuf laga qaado xayiraada, haddii ay dacwadi jirtana lagu oogo masuuliyiinta wargeyska, laakiin aan meherada albaabada loo xidhin.  “waxaan u arkaa mashaariicda lagu eedeeyay in loo qabtay Degmada War-Cimraan inay  la mid tahay waxyaabaha loo qabtay degmooyinka kale, xaq ayay u leedahay sida degmooyinka kale loogu qabtay, markaas aniga aad ayay ii damaqday oo beel ka mid ah beelaha waaweyn ayay magaceediina sidataa deegaankoodiina ay tahay, markaas in horumar loo qabtay arrimo kale loo aaneeyo waan saluugay. Waxaanan soo jeedin lahaa ciddii qortay in raaligelin ay ka bixiyaan. Waayo degmada War-cimraan waxaan ogahay in beesha ay ku abtirsataa ay qiimo ugu fadhido Somaliland. Waxaan ogahay kaalintii ay ka qaadatay halgankii degmo ahaan iyo dad ahaanba, waxaana ku dhaqan beel magac leh.”

Cabdillaahi Jawaan, wuxuu soo jeediyay in la ixtiraamo xuquuqda muwaadiniinta oo aan loo aanayn qoysaska ay ka soo jeedaan, “Waxaan iyadana ku darayaa inaan muwaadiniinta loo eedayn qoyska uu ka tirsanyahay oo aan lagu beegsan madaxweynaha ayaa soddog u ah iyo qoyskaas ayuu ka soo jeedaa. Waxa jira meelo ay dhaqan ahaan tahay inaynu dhawrno oo ilaalino oo aan la soo hadal qaadin.”

Cabdillaahi Jawaan, waxa kale oo uu ka hadlay xuquuqda saxaafadda, gaar ahaan xuquuqda uu leeyahay wargeyska Haatuf ee la xayiray, “wargeysku xuquuq ayuu leeyahay oo waxaynu qaadanay saxaafad madaxbanaan, markaas xorriyatal qawlka uu distoorku inoo  jideeyay in la ilaaliyo oo wixii inaga khaldama aynu ku dhammayno xeerarka inoo yaala. Waxa xidhan joornaalkii Haatuf iyo barihii Internetka ee uu isticmaali jiray. Meherada  dad ayaa lagu masruufi jiray, wixii oo dhami way xidhanyihiin, taana waxaan u arkaa in loo maro sharciga, meherad maxkamad lama saaro ee waxa maxkamadda la saaraa qofka dambiga galay ee loo haysto oo dacwadda loo furaa ama markaas hala ganaaxo ama dambiga halagu waayee. Laakiin meherad lama xayiro oo lama xidho.  Ciidamada iyo xukuumadda waxaan ku talinayaa in joornaalka xorriyadiisii loo celiyo, dacwadoodana loo furo, haddii ay wax ku cadaadaana la mariyo wixii ay mutaysteen haddii ay waxba ku cadaan waayana ay shaqadooda sii wataan, laakiin iyagoon la horgayn maxkamad in  go’aan laga gaadho waxay iila muuqataa in laga wanaagsanyahay sharci ahaan iyo nidaam ahaanba,. Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda iyo ciidamada in la isku dulqaato wixiina sharciga loo maro, adigoo sharcigii cuskanaya haddii  aad wax sii qaribto; runtii ma wanaagsana.”

 

Ugu dambayn wuxuu Cabdillaahi soo jeediyay ini daawo loo helo qaddiyadan oo la isu dulqaato, “Waxaan soo jeedinayaa in arrintan cagta loo dhigo oo la isu tanaasulo, si odaytinimo lehna loo dhammeeyo arrimaha jira oo aanay arrintu noqonin mindi mindi ku taag.”