Cabdillaahi Jawaan Oo Hambalyo U Diray Wasaaradda Daakhiliga Iyo Taliska Booliska

0
477

Picture5Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa ku hanbalyeeyay wasaarada arimaha gudaha iyo ciidamadda booliska iyo sirdoonka sidii ay uga hawlgaleen dilalkii dhawaanahan dalka ka dhacay.

Waxa uu Cabdilahai jawaan ugu baaqay guud ahaan shacbiga Somaliland inay ka taageeraan dhanka amniga wasaarada arimaha gudaha iyo ciidanka oo ay masuuliyad iska saaraan dalka iyo dadkaba.

Waxa uu sidan ku sheegay Cabdilaahi Jawaan mar uu xalay la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, waxaana isaga oo arimahaas ka hadlayaa uu jiro “Waxaan hanbalyo u soo jeedinayaa wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade iyo taliyaha ciidanka booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan,ciidanka booliska iyo sirdoonka sida wanaagsan ee ay xilkeeda uga soo baxeen, waa ay mudan yihiin in lagu dhiiri galiyo sida ay uga soo baxeen xilkooda, sida loo dhaliili lahaa haddii ay qaldanyihiin.”

Isagoo Cabdillaahi Jawaan hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Waxaan ku hanbalyaynayaa sida fiican ee ay u waajaheen dilalakii waaweynaa sida kii sarkaalka lagu dilay Laan-mulaaxo iyo gabadhii lagu sida foosha xun loogu dilay Hargeysa, labadaas dil sida geesimimada leh ee ciidanka iyo wasaaradu ay uga hawlgaleen ayaan hanbalyo ugu soo jeedinayaa, hawshaas adag Alle haydinku guuleeyo, umadda Somaliland waxaan leeyahay arimaha amaanka kala shaqeeya wasaarada arimaha gudaha iyo ciidamaddaba, qof waliba waa inuu halkiisa ka ahaadaa askar ilaalinaya dalkiisa iyo dadkiisa.”