Cabdillaahi Jawaan Oo Bogaadiyay Xubnaha Loo Doortay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE

0
759

Picture1Hargeysa(Geeska)-Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) ayaa bogaadiyay xubnaha loo doortay hoggaanka xisbiga KULMIYE ee shanta sannadood ee soo socda.

Cabdillaahi-Jawaan oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, wuxuu yidhi, “Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa dhammaan xubnaha hoggaanka ee loo doortayo shanta sannadood ee soo socota inay hoggaamiyaan xisbiga KULMIYE, waxaanan leeyahay hambalyo oo Alle ha idinku asturo xilka la idiin doortay.”

Cabdillaahi, wuxuu sheegay in xubnaha xilka hoggaanka loo doortay ay yihiin masuuliyiin xilkaas ka soo bixi kara.