Cabdillaahi Geeljire Oo Soo Bandhigay Saddex Hal Oo Seegay Madaxweynaha, Guddiga Doorashada Iyo Waddani

3
9625

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay in dib u dhaca doorashooyinkan wakiilada iyo deegaanku ay sumcad xumo ku tahay Somaliland, isla markaasna ay dalka ka dhigayso mid caadaystay dib u dhaca doorashooyinka.

Waxa uu siyaasi Cabdilaahi Geeljire uu sheegay In xisbiyada,madaxweynaha iyo komishankaba ay mid kasta hali seegtay, waxaanu ku taliyay in haatan uu sidii hore ay isaga soo dhawaadaan, waxaana uu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay weriye Najax Cunaaye oo ka tirsan Telefishanka Saab, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxaynu noqonay caadaystayaal doorashooyinka dib u dhigooda, kaanbaynkana waanu ku galnay oo madaxweynuuna waa uu ku galay in aan dib doorashooyinku u dhacayn, waanu ku khudbadeeyay, hase yeeshee waad ogtiihiin oo wax badan ayaan u suurto galayn madaxweynaa inuu kaligii goosto ama baarlamaan goosto oo dimuqraadi ayaynu nahay, laakiin waxaan u arkaa saddexda qoloba xisbiyada mucaaradka ah waliba xisiga Waddani, madaxweynaha iyo komishanka in saddexda midba qalad uu meel ku leeyahay, komishanku qalad malaha laakiin wax ku wanaagsanaan lahaa ayaa jira.

Waa uu sii watay hadalkiisa “Waddani waxaan u arkaa in halkii uu ka lahaa qoladan komishanku haynaga tagaan oo ku adkaatay inay ku haboonayd inuu iska dhaafo oo uu xal kale oo dhex dhexaad ah qaato inkasta oo uu imika aqbalay wakhtiga lumay ayaan ka hadlayaa,madaxweynuhuna wax uu iskaga dhajiyaa may jirin oo waxa uu ku xidhay madaxweynenimadiisa cid ku tidhi garan maayee ayaan xalaal noqonayn haddii kuwan la eryo, taasi wax jira maaha oo madaxweynaha dadkii alle ayaa doortay,xisbiyadii waa ay aqbaleen maxkamadiiba waa ay sharciyaysay markaa meel aanu xalaal ka noqonayn may dhacayn, haddii labadaasi ay isku dhageena in komishankaba sanad ayaa u hadhsanaaye ay iskaga tagaan ayay ahayd oo ay yidhaahdaan hadaad na diidan tihiin cid kale soo dirta, sadexdaasiba waa ay ku wanaagsanayd meesha laakiin sadexdii midna ma dhicin, samcadeena ayuunbaana ku dhaawacmaysa iyo horumarkii aynu gaadhi lahayn, bal imika uun sida ugu haboon saddexda qolaba haw eegaan, ha ku kala kicinee isku soo dhawaada.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here