Cabdillaahi Cadmaawi Oo Golaha Dhexe Ee KULMIYE Ugu Baaqay Inay Doortaan Muuse Biixi

0
602

Picture3Hargeysa (Geeska)-Cabdilaahi Ibraahim Cilmi (Cadmaawi)  oo ka tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa Xubnaha Golaha dhexe ee Kulmiye ee dhawaan la filayo in la soo doorto, gaar ahaan Xubnaha Golaha dhexe u matali doona Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ugu baaqay kana codsaday inay codkooda siiyaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo uu sheegay inuu xaq u leeyahay in la doorto. Cabdilaahi Ibraahim Cilmi ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland ku booriyey inay aad u weynayaan Xuska 18-May, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Waxaan jecelahay in aan ka hadlo Musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi, ee uu dhawaan ku dhawaaqay inuu yahay Musharax, gaar ahaana uu Musharax ka yahay Doorashada Xisbiga dhexdiisa la filayo inay ka dhacdo, oo isna uu u taagan yahay Madaxweynaha Jahmuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), markaas waxa aan halkan baaq uga jeedinaya dadkii u dhashay ee ka soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan Xubnaha Golaha dhexe ee laga soo dooran doono Gobolka Maroodi-jeex iyo Gobolada Hawd iyo Gabiley, ayaan ugu baaqayaa inay codkooda siyaan kuna biiriyaan Muuse Biixi Cabdi, oo ah Masuul ka soo jeeda Maroodi-jeex,iyada oo in badan Rag badan oo Musharaxiin ah oo ka soo jeeda Gobolka Maroodi-jeex ay hore u waayeen Musharaxnimada Madaxweynenimada, Dimuqraadiyada ayaana u ogol qof walba oo hami leh inuu isku soo taago hogaanka dalka, Muuse Biixina xaq ayuu u leeyahay inuu isa soo sharaxo, oo uu hami yeesho.” Cabdillaahi, wuxuu carabka ku adkeeyay in taageero lala garab istaago murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi oo isaguna labadii goor ee horeba Madaxweyne Silaanyo barbar istaagay. Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu Cabdillaahi yidhi “Waxaan hambalyo I diraya guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Munaasibada Xuska 18-may darted, waa Maalin inagu qaaliya, waana Maalin loo baahan yahay inay Shacabku muujiyaan xoriyadooda”.