Cabdilaahi Jawaan Oo Saylici Ku Eedeeyay Inuu Mashruuca JPLG U Diiday Baligubadle

56
4125

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii Komishankii Doorashooyiinka ee dalka ugu horeeyey Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan),isla markaana iska casilay la taliyaha Madaxweynaha ee Doorashada, haddana ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, oo uu sheegay in si cad oo badheedh ah Gobolka Hawd uu ugu diiday Mashruuca GPLG-ga, waxaanu tilmaamay inuu si cad diiday amarka Madaxweynaha, kadib markii uu tilmaamay inuu isagu Madaxweynaha arintan u sheegay, dacwada Madaxweyne ku xigeenka ee ah diidama uu Gobolka Hawd u diidan yahay Mashruucan GPLG-ga.

Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan),  ayaa sidoo kale Komishanka baaq u diray waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxa lagu amray in la yidhaahdo ha lagu daro  GPLG-ga, oo UNDP Dhisayo, oo laamiyo ku jiraan, oo Laydhkii ku jiro, oo Biyo gelini ku jirto, oo waa kuwaas Degmooyinka kale loo sameeynayo ilaa Tuulooyinkii loo sameeynayo,oo Sariibado ku jiraan, oo Cisbitaalo ku jiraan,   oo Riigag ku jiraan, oo wixii oo dhan UN-ka ayaa bixinaya, oo Adduunkii oo dhan lacagtiisi ayey hayaan, adeer waa la I idiin diiday, oo Cabdiraxmaan Saylici ayaa idiin diiday, waan u tagay, waan baryey, markii uu iga diiday Madaxweynaha ayaan ugu tagay, oo amar buu siiyey, markii uu jaran-jarada ka soo degay, ayuu yidhi cod baa lanagu wada doortaaye, miyuu I amri karaa, waxaana leeyahay maantana sawirkiisi ayaa idin hor yaala cod buu idinka doonayaa”.

Cabdillaahi Jawaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Inagu koonfur oo dhan waxaynu aad u naqaanay Aadan Yabaal iyo Wala-weyn, meeshu oomane ayey ahayd Nimanka Aadan Yabaal ayaa meel u arooray, ceelkii baa  dhaankoodii loo diiday,wey iska soo noqdeen, Aadan Yabaal baa markii dambe Riig laga qoday, kuwii markii hore u diiday ayaa iyana Riigii u soo arooreen, Shirib, ayay dabadeed niman abgaal ahi ku yidhaahdeen “Aadan Yabaal u soo aroor, abaalna kuma ergane”ergo macnaha abaal kuma ool, Saylici waxaan imika leeyahay reer Hawdoow, waxaad ku tidhaahdan cod u soo doono abaalna kuma ergane”.

Cabdillaahi-jawaan wuxuu guddiga doorashada u soo jeediyay inay gacan bir ah ku qabtaan dad xaafadaha Hargeysa ka urursanaya kaadhadhka cod bixinta oo dadka kaga bedelaya waxyaabo kale, waxaanu isagoo guddiga doorashada la hadlaya uu yidhi  “Duruufo ayaan ku arkay, aanan anagu lahayn, Guddi Doorasho, oo Wasiir u yeedho ama Madaxtooyada lagu shirayo, waa markii kowaad, ee aan anigu arko, waa tii aan iskaga casilay markii la lahaa gows dambeed ha loo sameeyo, ee aan lahaa waa xaaran, jileec kumaan arag, laakiin waxaan ku arkay waxyaabo ay gudan lahaayeen, tan aan imika kala hadlaayo ayaa ka mid ah inay ku talaabsadaan oo gacan bir ah ku qabsadaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here