Cabdilaahi Jawaan Oo Madaxweynaha Iyo Muuse Biiixi Ugu Baaqay Inay Isu Tanaasulan

0
715

Picture5Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan), ayaa ka hadlay Musharaxnimada Madaxweyne ee uu dhawaan ku dhawaaqay Guddoomiyaha Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyo Musharaxnimada Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ee uu dhawaan shaaciyey Wasiirka Warfaafintu, waxaanu labadoodaba kula taliyey inay iyagu si gaar ah isku arkaan, oo ay dhexdooda wixii tabasho ah ee jira ay ka dhamaystaan, iskuna tanaasuulan, waxaanu sheegay inuu talo ula tagi doono Muuse Biixi iyo Madaxweynaha, si uu iskugu soo dhaweeyo.

Cabdilaahi Jawaan ayaa isaga oo wareysi khaas ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu ka hadlay Siyaasada Arimaha Dibada Somaliland iyo wada hadalada Somaliland iyo Somalia u dhexeeya, waxaanu si cad u sheegay in aanay Somaliland ku heli doonin Aqoonsi wada hadalada Somalia ay kula jirto, waxaanu sidoo kale dhaliilay Siyaasada Wadanka Turkiga ee wada wada hadalada, waxaanu Turkiga ku dhaliilay in aanu daacad ka hayn arintan, balse uu doonayo inay dib u midoobaan Somaliland iyo Somalia, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay isaga oo arimahan ka hadlaya “Muuse Biixi ayaa ku dhawaaqay Musharax ayaan ahay, markii uu ku dhawaaqay dad badan ayaa ka sasay, Madaxweynaha waxba kamaan maqal, balse Wasiir ayaa hadlay, Wasiirkuna waa Afhayeenkiisi, in si kale loo fikiro oo la yidhaahdo Madaxweynaha ayaa mar kale isa soo sharaxaya oo waa qasab cidi lama hadli karto iyo Muuse Biixi oo qaar taageerayaan, waxaan leeyahay Labadooda ha loo daayo, waa laba Masuul oo Saaxiib ah, oo midi Madaxweyne yahay midina Guddoomiyaha Kulmiye yahay, labadoodaba Qadarin ayaan u haya, waxaan leeyahay isku tanaasula, isku dulqaata oo dhexdiina yaanay cidi gelin, oo haddii Axmed Siillaanyo yidhaahdo waad I soo dhistee ee mar kale ii daa, waa wax iyaga ka dhexeeya, haddii uu Muuse BIixi Cabdi isna yidhaahdo Odey laba goor ayaa lagu sharaxay marna waad weyday, marna waad heshay ee waa markaygii ee ii daa, Axmed qadarin wuu siin kara wuuna u dayn karaa,haddii ay ii suurtagasho labadooba talo ayaan ula tagaya oo wax aanan halkan ka sheegayn ayaan ula tagi doonaa, oo waanu iska arki doonaa, oo dhexdhexdaadin ayaan  ula tagi kara”.

Cabdilaahi Jawaan oo ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somalia ayaa  yidhi “Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo ah Nin Aqoon yahana waxa uu yidhi waxa aanu Madaxweynaha Nigeria ka dalbanay in Afrika qadiyadayda loo geeyo, Afrika boqol goor ayaa loo geeyey, oo warbixin ayey ka qoreen, Guddoomiye ku xigeenka Afrika ayaa noo yimid, warbixin ayuu inaga qorey, qiimeeyntiina waxa ay yidhaahdeen Somaliland waxa ay u qalantaa Aqoonsi, laakiin arimahanii waxa madaw galinaya markii aynu wada hadal furnay ee aynu la furnay Somalia, oo walibana Turkigu gacanta ku hayo, inaga oo og Turkigu halka uu ka taagan yahay Dawlad, Dawlad ka go’da, Koonfurta Turkiga waxa la dagaalama PKK, oo Kurdish ah, oo sidii Somalida loogu qeybiyey Shan qeybood, iyada oo qeyb la raaciyey Turkiga, qeyb Ciraaq, qeyb Iraan, qeyb Suuriya qeybna Midawga Soofiyeeti, Ninkii Ururkan Guddoomiyaha ka ahaa  Cabdle Cujlaan waa tii Ciidamada Isreal ay Sanduuqa ku rideen kana qafaasheen Geeska Afrika, dil ayaa lagu xukumay, Ankara ayaanu hadda ku xidhan yahay, markii dambena Xabsi daayin ayey ku xukumeen, marka dal halkaas taagan lagama yaabana inuu ka shaqeeyo inay Somaliland noqoto dal gaar ah oo madax banaan, aqoonsi ayeynu Caalamka ka doonaynaa iyo Somalia ayaanu wada hadal la wadnaa waxa ay noqonaysa laba aan is qabanayn, oo Caalamku waxa ay ina moodayaan inaynu heshiinayno, macquul maaha inaynu sidan aynu hadda wadno Aqoonsi ku helayno, ee waxa aan leeyahay aynu badheedhno ALLE SWT ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Nin geesiya ayuu ahaa waxa uu yidhi Somalai ma kala maaranto, Caasimadda Hargeysa aynu ka dhigno, Somalidana aynu badbaadino, Madaxweyne-na aan ka noqdo, waa lagu kacay, anagu kumaan kaceen, markii dambena waa kii ku wareejiyey Ismaaciil Cumar Geele ee Carta lagu qabtay Shirkii, markaas Odeyaashan la inoo soo dirayaa maaha Odeyaal iska yimid, laakiin waa la soo diray, Xukuumaddaas ayaa soo dirtay, Xukuumaddeenuna wey aqbashay inay yimaadaan, Wasiirka Warfaafinta ayaa ka hor tagay oo soo dhaweeyey, Dawladdo ayaa inagu yaboohay inay ina aqoonsadaan, waxaan leeyahay Dawladdaas ha loo tago,oo aqoonsiga ha laga soo qaado, haddii aynu daacad waxan ka nahay wixii nusqaanta inoo keenaya maaha inaynu ku kacno”. La soco qaybta labaad ee waraysigan