Cabdilaahi Jawaan Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Boqorka Cusub Ee Beesha Daarood

0
685

Picture1Hargeysa (Geeska)- Siyaasiga Cabdilaahi Cabid Xaaji Cumar (Cabdilaahi jawaan) ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray Boqorka guud ee Beelaha Darood Boqor Burhaan Boqor Muuse ee lagu caleemo saaray Magaalada Qardho ee deegaanada Puntland, waxaanu Boqor Burhaan ILLAAHAY SWT uga baryey inuu Xilkaas ku asturo, una fududeeyo.

Cabdilaahi Jawaan ayaa  isaga oo Geeska Afrika la soo xidhiidhay sidoo kale Boqor Burhaan ugu baaqay inuu si sinaan ah ugu adeego Beelweynta Darood, waxaanu yidhi  “Waxaan halkan Hambalyo kash iyo laaba ah u dirayaa Boqorka Burhaan Boqor Muuse, oo lagu caleemo saaray Magaalada Qardho, isaga oo loo caleemo saaray inuu noqdo Boqorka guud ee Beel weynta Darood, waxaana ku hambalyeynaya xilkaas cusub, ee loo caleemo saaray, aniga oo ILLAAHAY SWT uga baryaya inuu u fududeeyo, cimri dherer iyo Caafimaad qabna ha ku siiyo,waxaana ILLAAHAY SWT uga baryayaa oo kale inuu Xilkaas loo caleemo saaray inuu kugu asturo, waxaad masuul ka tahay guud ahaan Boqor u tahay Umadda ku dhaqan Geeska Afrika iyo Aduunka ee ku abtirsata Magaca Darood.”