Cabdi Maxamuud Cumar Oo Shalay Markii Maxkamadda La Horkeenay La Weydiiyay Jidh-Dilka Ay Qoyskiisu Sheegeen

60
3734

Addis Ababa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale shalay la hor geeyey maxkamad.

Dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib loo dhigay muddo 14 cisho ah, kadib markii xeer ilaalintu ay dalbatay in wakhtiga baadhitaanka loo sii kordhiyo.

Maxkamada ayaa Cabdi Maxamuud Cumar waydiisay in la jidhdilo, waxaanu ku jawaabay in ay u yimaadaan rag u hanjabaa laakiin aan la jidh dilin.

Madaxweynahan hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo saddex qof oo xadhigan ku weheliya ayaa codsaday in goobta ay ku tukadaan iyo cuntada loo hagaajiyo, sida uu ku soo waramay wariyaha BBC laanta Soomaaliga oo ka qaybgalay maxkamadaas isaga iyo soddon ku dhawaad Soomaali ah oo dhagaysanaysay maxkamada.

Dhawaan ayay soo baxeen warar ay sheegeen qoyska Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegayay in la jidh dilay, arintaas oo booliska Itoobiya ay beeniyeen.

Madaxweynihii Hore ee Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu siday Baabuur muraayadiihiisa laga dhex arkayay ayaa gacmaha kor u taagayay, waxaana la arkayay isaga oo ay katiinadi kaga xidhan tahay Gacmaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here