Cabdi Iley Oo Is Casilay, DDSI Oo Yeelatay Madaxweyne Cusub Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Rasaas Xalay Jig-Jiga Laga Maqlayay

0
11293

Jigjiga(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynihii dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa is casilay, ka dib maalmo ay si adag isu hayeen dawladda federaalka Itoobiya.

Waxa madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya loo doortay Axmed Cabdi Maxamed oo ahaa wasiirka maaliyadda ee xukuumadii Cabdi Iiley.  Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed ayaa sheegay in madaxweyanaha xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar oo caafimaadkiisa wanaagsan yahay uuna badqabo.

Mr. Axmed oo u waramay BBC xalay wuxuu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar weli yahay madaxa xisbiga ka taliya dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Wuxuu Madaxweynaha cusub sheegay inaanay dawladda federaalka Itoobiya ku wareejin xilkan balse uu xisbiga haya talada deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ku wareejiyay xilkan.

Wuxuu sheegay madaxweynaha cusub in Cabdi Maxamuud Cumar uu ku suganyahay magaalada Jigjiga ee Itoobiya islamarkaana uu nabad qabo islamarkaana uu mudanyahay ixtiraam.

Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarunta dhexe ee xisbiga haya talada maamulka gobolka ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu ku suganyahay magaalada Jigjiga oo uu nabad qabo, laakiin warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya ay diyaarad gaar ah oo ah kuwa ciidanka kaga qaadeen magaalada Jigjiga, oo ay geeyeen Addis Ababa.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa markii uu isbedelkani dhacay waxay gudaha u soo galeen magaalada Jigjiga, iyadoo ay ciidamada Liyuu Police ka baxeen magaalada islamarkaana ay tageen xeryahooda.

Xabad goos-goos ah ayaa xalay cawayskii laga maqlayay magaalada Jigjiga, waxaana ridayay ciidamada federaalka Itoobiya si ay u kala eryaan dad la sheegay inay boobayeen magaalada.

Xiisadan ka taagnayd magaalada Jigjiga ayaa ku faaftay magaalada Diridhaba. Ugu yaraan sagaal qof oo u dhashay  dalka Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay isku dhacyadii qowmiyadaha ku salaysnaa ee Axadii ka dhacay magaalada Diridhaba, sida ay werisay idaacadda BBC.

Iskudhacyadan cusub ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa la sheegayaa inay ka dhasheen qalalaasihii Sabtidii ka dhacay magaalada Jigjiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kalana wararku waxa ay sheegayaan in dhibaatadu ay u talowday dhinaca dalka Jabuuti halkaasna lagu dhaawacay labo ruux oo Oromo ah, sida uu BBC-da u taliyaha booliiska ee dalka Jabuuti Cabdillaahi Cabdi.

Taliyuhu wuxuu sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii weerarkaas qaaday.

Si kastaba ha ahaate is casilaadda madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, lama garan karo inay dejin doonto siyaasadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxase ay Jigjiga xalay u muuqatay magaalo ay ciidamada milatariga ee federaalku ku hayeen awood ciidan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here