Cabdi Haybe Oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyay Inay Xaraashtay Dhulkii Ugu Badnaa

0
751

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddani hantidii umadda ay iibisay, gaar ahaana ay wada iibisay dhismayaashii uu Ingiriisku ka tagay, ee Magaalooyinka waaweyn ee dalka, waxaanu tilmaamay in iyadoo wakhti koobani u hadheen, in haddana hantida umadda ay sii iibinayso.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay ganaaxa Xisbiga Waddani la ganaaxay,waxaanu tilmaamay in Guddida Anshaxu ay sabab la’aan ay u ganaaxeen Xisbiga Waddani, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya ganaaxa Xisbigiisa Waddani  “Ganaaxa la ganaaxay Xisbiga Waddani, waxaanu u aragnaa inuu yahay baadil, ganaaxan oo lagu sababeeyey markii uu Xisbiga Waddani tagay Baligubadle, ayaa waxa xaqiiqo ah in sababta aanu u tagnay Baligubadle iyo Gobolka Hawd ay tahay xafiisyo aanu soo furaynay, Kulmiye oo oodihiisi wata ayaa naga daba yimid, oo Baligubadle ku soo duulay, Wasiiro ayaa yimid, La Taliyayaal Madaxweyne ayaa yimid, Gawaadhidii GT-ga, ee Dawladda ee Madaxweynuhu Digreetada ka soo saaray ayaa joogay, iyadoo ay sidaas tahay waxaan garan waayey qolada anshaxa sheeganaysaa, sababta ay Xisbiga Waddani u ganaaxday iyo sababta ay iska indho tireen Xisbiga Kulmiye oo gaadiidkii dawladda wata, oo Gawaadhidii ololaha oo lagu soo buufiyey Xisbiga Kulmiye oo joogay, oo aanu haynaa sawiraantoodii iyo macluumad walba oo ku saabsan, marka wax la ganaaxayana Gobolkii ay wax ka dhaceen baa la tagaa, oo waxba la soo xaqiijiyaa,waxa loo baahnaa intay meesha tagaan inay war sugan soo qaatan, Waddani sharci buu ku socday, oo xafiisyo ayuu soo furayey, oo dad ku soo biirayey ayaa meesha loo tagay, kuwa ku soo duulay, ee rabash iyo khal-khal doonayey inay abuuraan, Xisbiga Kulmiye ayuu ahaa”.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey wareegtada uu Madaxweynuhu ka soo saaray hantida qaranka ayaa yidhi “Madaxweynuhu dhawr digreeto ayuu soo saaray uu ku mamnuucayo hantida umadda in aan la boobin, in aan lagu ololayn hantida dawladda, in aanay ololayn shaqaalaha dawladda iyo ciidamaduba, wali arinkaasi wuu socdaa, oo Digreetadii Madaxweynuhu dheg jalac looma siin, waxaana Madaxweynaha leeyahay Digreetadii aad soo saartay waa la iska dhego tiray, wali hantidii umadda sida la doono ayaa loogu ololaynayaa, Madaxweynahana waxa la gudboonaa in cid kasta oo ka hortimaada wareegtadiisa, inuu xilka ka qaado,

Siyaasi Cabdi Haybe oo Xukuumaddan ku eedaynayey lunsiga hantida umadda ayaa yidhi

“Boobka Hantida umadda  Dugsigii Riis baa ugu dambeeyey oo hadda murankiisu taagan yahay,Guryihii Booliska ayaa la iibiyey, Burco, Berbera iyo Hargeysa wax ka nooli ma jiraan, hantidaasi inay jeeb dad ku dhacdo iyo inay qasnada dawladda ku dhacdo cidina war uma hayso, Dawlad maalmo yari u hadheen,in haddana Wasiiradda qaar  hantidii umadda si cad u boobayaan, waa mid subxaanlaaa, kuwa iibsanaya hantida umaddana waxaan leeyahay ka waantooba, anigoo ah Xoghayihii Hawlaha Guud ee Xisbiga Waddani waxaan ka digay in hantida umadda la iibsado, ka iibsadaana isaga ayaa hadhaw khasaare ku qaba haddii Xisbiga Waddani guulaysto, ALLE idimkiina wuu guulaysan doonaaye”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu is barbar dhig ku sameeynayey iibka hantida umadda ee Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddan Axmed Siillaanyo ayaa yidhi “Xukuumaddii Daahir Rayaale waxay iibisay   kamay badnayn saddex ilaa afar guri oo Hindiyo-laynka ku yaalay,laakiin Kulmiye, wax alaale wixii hantidaya ee dhismo ahayd ee  Ingiriisku inooga tagay, waxba kama noola, Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo, Burco, iyo Boorama oo xafiiskii Badhasaabka la iibiyey”.

Siyaasi Cabdi Haybe ayaa mar uu ka hadlaayey Taageerada Xisbiga Waddani ee Gobolada dalka ayaa yidhi “Arinka aanu u tagnay Gobolka Hawd, guul buu ku soo dhammaaday, waxaana leeyahay Beesha degta Gobolka Hawd, Degmada Axmed Dhagax, Togdheer, Daadmadheedh iyo Saaxil, codkoodu waa meel, waana Waddani, guud ahaan Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay Kulmiye saacadiisi wey dhacdaye, is bedel deg deg ah ayaa loo baahan yahay, is bedelkaasna waxa keeni kara Xisbiga Waddani ee ha  lagu soo biiro,codkana ha la siiyo”.