Cabdi Haybe Oo Wasiirada Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud Ku Eedeeyay Inay Ku Haystaan Dhul

0
894

Hargeysa (Geeska)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga mucaaradka ee Waddani, isla markaana ah xoghayaha hawlaha guud ee xisbigan, ayaa eeddo u jeediyay wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud.

Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiirada caafimaadka iyo hawlaha guud ku eedeeyay inay ku haystaan dhul uu ku leeyahay Baligubadle,  isagoo ugu horeyn ka hadlaya arintan yidhi “Waxa jira qolooyin isku mashquuliyey (Health Post), duntay oo ku taalay Balgibudle,  oo markii aan anigu Wasiirka ahaa aan mid cusub u dhisay, tii hore duntayna aniga bedel ahaan la ii siiyey, markii aan anigu mid cusub dhisay, ayaa aniga dhul ahaan la ii siiyey, oo waliba bedel ahaan baa la ii siiyay, la iskama kay siine,anigaana dib u dhistay, markaas qolooyinkii Hawlaha guud iyo Caafimaadka ayaa waxay ku leeyihiin Cabdi Haybe ayaa Health Post qaatay, anigaaba si gaar ah oo ugu dhisay xarun intan ka weyn, oo waliba haddii la kordhinayo oo MCH, laga dhigayaba aan dhul weyn u ooday, Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimaadka oo aan hore ugu sheegay siday wax u dhaceen ayaa imika buuq abuuray, waxaan leeyahay Wasiiradda Hawlaha Guud iyo Caafimadka,  aniguba sharci baan haystaa, ee Dugsigii Haweenka Dumarku mee, Shirkadii Laydhka ee Hargeysi halkay ku dambaysay, waxay Wasiiradda Caafimaadka iyo Hawlaha guud isku mashquulinayaan 10x4m oo Cabdi Haybe leeyahay, ee hantidii umadda ka dhexeeysay ha la doono, Health Post, imika maaha ee waa aqal aan anigu leeyahay, oo aan sharcigiisina u haysto, ee anigu waaban u celin karaa,marka la I siiyo wax kasta oo iga baxay, laakiin waa in dhaqan xumada la joojiyaa, yaan dadka nadiifta ah lagu mashquulin, boobkii dhacay, iyo hantidii umadda ee lagu takrifalay, wax qarsoon maaha ee waa in dib loo soo celiyaa, oo  gacanta dawladda dib ha loogu soo wada celiyo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here