Cabdi Haybe Oo Ka Digay Dhaawaca Somaliland Soo Gaadhi Kara Haddii Doorashadu Mar Kale Dib U Dhacdo

0
558

Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale-na ka tirsanaa, haddana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Somaliland indho gaar ah caalamku ku eegayo, si gaar ahna loo wada eegayo hirgelinta Dimuqraadiyada iyo Doorashada, waxaanu ku taliyey in aanay Doorashadu wakhtigeeda  dhaafin.

1

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale bulsho weynta reer Somaliland iyo dhammaan umadda Islaamka u diray hambalyo Ciidda ah, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya “Doorashooyin ayaa inagu soo socda, Calaamkuna in gaar ah ayuu inoo eegayaa, waxaana la wada eegayaa oo la naawaliya qaabka aynu ka yeelno Doorashooyinkaas, markaas waxaan ku talinayaa in Diiwaangelinta labada Gobol ee hadhay iyana sida ugu haboon loo qabto, Doorashooyinkana aan wakhtigeeda la dhaafin, walibana waxaan ku talinayaa in Doorashooyinkaasi noqdaan qaar xor iyo xalaal ah,oo si xor ah loo tartamaa, isla markaana la isku kalsoonada, laakiin waxa ayaan daro ah oo aan ka digayaa in Doorashooyinkaasi dib u dhacaan, oo waxaynu ognahay in Xukuumaddana laba sanno xilka loo kordhiyey,  mana qaadi karno Doorasho dambe oo dib inooga dhacda, waxaana run ah haddii ay Doorashado dib u dhacdo  inay beesha caalamka dhabarka inoo jeedin doonaan, Dimuqraadiyadii aynu ku faani jirnayna waxba kama jiraan bay noqonaysaa, markaas wax walba oo inaga qabyo ah intaas Doorashada ka horeysa aynu iska dhamaystirno”.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed ayaa mar uu ka hadlay munaasibadda Ciidda ayaa yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogto, waxaan kale oo aan dhambaal u dirayaa guud ahaan Bulsho weynta Islaamka aniga oo ugu hambalyeynaya munaasibada ciida awgeed, waxaana leeyahay ILLAAHAY ciidaas ciideeda ha inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo waliba ictiraaf, Bishii Ramadaana khayrkeeda ha ina siiyo, waxaana rajaynayaa in sannadka soo socda wax walba inoo hagaagan, oo Doorashooyinku inoo dhacaan, Ictiraaf caalamiyana helno”.