Cabdale-Sandheere Oo Si Rasmi Ah Ugu Biiray Xisbiga Waddani

0
918

Hargeysa(Geeska)-Maayarkii hore ee magaalada Berbera Cabdala Maxamed Carab Sandheere ayaa ku dhawaaqay in ku biirayo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, masuulkan ayaan bixin wax faahfaahin ah waxase uu si cad u sheegay inuu wakhtigan u taagan yahay inuu xoojiyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani isla markaasna uu xaflad looq qaban doono ka sheegi doono sabababaha uu xisbgiaas ku taageera, ugana baxay xisbiga KULMIYE.

Cabdale Sandheere ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay isaga oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaanu isaga oo arimaanka hadlaayay uu yidhi “Waxaan jeclahay inaan maanta cadeeyo mawqifkayga siyaasadeed maadaama oo muddo warar badan lays xulinaayay, waxaan idiin sheegayaa inaan dhawaan ku biirayo xisbiga Waddani, asxaabtayda

taageerayaashadaya ayaan sii ogaysiinayaa inaan maqqifkaas siyaasadeed aan qaatay, waxii hadal ah iyo sababta waxaan dib ugu dhiganayaa maalinta xaflada.”

Doorashada madaxtooyada ayaa ahaatan fooda ku soo haysa Somaliland waxaana xisbiyadu ay aad u raadinayaan taageerada shacbiga iyo siyaasiyiinta deegaanada.