Cabashada Dadweynaha Waanu Ka Garaabaynaa, Sicir Bararkana Iyo Qiimaha Sarrifka Waxa Sabab U Ah Wax Badan” Wasiirka ganacsiga Dr. Shucayb

0
634

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka hadlay sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee cirka isku shareeray, waxaanu sheegay inuu ka garaabayo cabashada dadka ee dhinaca sicir bararka iyo qiimaha sarifka.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Cabashada dadweynaha waanu ka garaabaynaa, waxaana dhab ah inaynu nahay dal cudur ah, oo aan wali aqoonsi caalamiya helin, sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee jira waxa sabab u ah waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhoofka xoolaha ee la joojiyey iyo abaarta baahsan ee dalka ka jirta, sidaas oo ay tahayna Xukuumad ahaan waxaanu ku hawlan nahay sidii aanu wax uga qaban lahayn, oo aanu qiimaha sarifka doolarka hoos ugu soo celin lahayn,hawshaasna waanu ku jirnaa, waxaana filaynaa in dhawaan dib loo furo dhoofkii xoolaha, waxaanu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu abaarta inaga dulqaado,laakiin waxaan mar walba Bulshada reer Somaliland kula talinayaa inay is dejiyaan, oo Dawladooda ka war sugan, Dawladduna waxay ku hawlan tahay sidii ay wax uga qaban lahayd”.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa yidhi “Waxaanu kulan la yeelanay Ganacstada dalka, is fahan iyo is af garad ayaanu gaadhnay, waxyaabo badan baana ka wada hadlaynay”.

Dhinaca kale Wasiirka Ganacsigu wuxuu baaq nabadeed u diray beelaha dagaalku ku dhexmaray deegaanka dharkeen-geenyo, waxaanu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo nabada qaatan.