Caafimaadka Ku Jira In Qofku uu Dhinac U Seexdo Iyo Talooyin Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Guud Ahaan Hurdada

0
1368

Picture11Ohio (Geeska)- Aqoonyahanno ka tirsan jaamacadda Cleveland oo ku taalla gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa baadhitaan cilmi oo ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in dhinac u seexashadu ay u fiican tahay caafimaadka. Waxa ay cilmi baadhayaashu sheegeen in dadka ay caadada u tahay inay u seexdaan beerka ama dhabarku ay halis ugu jiraan dhaawac iyo xanuun ku dhaca laf dhabarta. Culimada caafimaadku waxa ay sheegeen in xanuunkan ama dhaawacan ay hurdo xumadu ku keenayso laf dhabartu aanu ahayn soo booddo habeen qudha uu isku arkayo qofku, balse marka uu muddo dheer qofku caadaysto in uu beerka ama dhabarka u jiifsado ayaa ay si aad u yar balse isa soo taraysa laf dhabartu u bukoonaysaa ama u yeelanaysaa dhaawac (Nabar). Muddo kadib, gaar ahaan marka uu qofku weynaado ayaanu si buuxda u soo baxayaa dhaawacani, oo uu qofku isku arkayaa dhabar xanuun ama dhaawac cad oo laf dhabarta gaadhay. Cilmi baadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey degelka Internetka ee Al-Malaf waxa ay khubaradu ku ogaadeen in muddo badan oo uu qofku dhabarka u seexdaa ay keento khatarta ah in uu is-beddel ku dhaco qaab dhismeedka dabiiciga ah ee laf dhabarta.

Waxa ay khubaradu ku sheegeen daraasaddoodan in dhinac oo loo seexdaa ay tahay sida ugu khatarta yar, isla markaana lagu ilaalin karo in aanu dhaawac soo gaadhin lafaha silsiladda ah ee raqabadda. Sida lagu ogaaday daraasado hore dhinaca midig oo uu qofku u seexdo ayaa ka caafimaad badan dhinaca bidixda oo ay daraasadahaasi sheegeen in maadaama oo uu wadnuhu xigo dhinaca bidixda ay keeni karto halis caafimaad.

Ugu dambayntii khubarada samaysay daraasaddan dambe waxa ay talo ahaan u soo jeediyeen in sida ugu habboon ee qofku u ilaalin karo raqabadda iyo laf dhabartu ay tahay in qoorta uu si toosan u dhigo marka uu jiifo, iyo in uu qofku ku dadaalin inuu kala bixiyo jilbaha iyo miskaha, taas oo keenaysa in culays badan aanu ku dhicin laf dhabarta. Khubarada samaysay daraasaddan oo sii wada talooyinka ay u arkaan in ay anfacayaan qof kasta oo doonaya inuu seexdo hurdo caafimaad ayaa ku taliyey in qofku aanu seexan barkimo la'aan isla markaana ay fiican tahay inuu barkimo labaad oo jilicsan geliyo labadiisa jilib ee is dulsaaran dhexdooda. Iyaga oo sheegay in taasi ay culayska ka yaraynayso neerfayaasha mara miskaha iyo bawdyaha. Waxaa xusid mudan in sunnaha ay diinteennu ina bartay uu yahay in uu qofku habeenkii u seexdo dhinaca midigta, taas oo ina tusaysa xikmadda Alle ee ay diinteennu xambaarsan tahay iyo sida ay u dhowrtay caafimaadkeenna.