Caadooyin Darawallada Qaarkood Ku Kacaan, Oo Gaadhiga Ku Keeni Kara Khatar

0
632

Hargeysa (Geeska)- Inta badan darawallada gaadiidku ma fahamsana in gaadhi wadistu ay u baahan tahay aqoon ka baxsan xirfadda wadista iyo dhawrista shuruucda waddo-marista, waxa ay ma’ogan yihiin ama aanay isku hawlin in ay ogaadaan in qaabka gaadhi kaxayntu uu saamayn taban ku yeelan karo gaadhiga laftiisa. Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa dhowr qodob oo ay xeeldheerayaasha gaadiidku isku waafaqeen in haddii aanu darawalku ka taxaddarin ay khatar ama cillado aan fiicnayn ku keenayo gaadhiga laftiisa.

1. Gacanta ha ku dul illaabin usha geerka (Isbiidhka)

Wadayaasha gaadiidka qaarkood waxaa caado u ah in xilliga ay gaadhiga wadaan ay gacanta ku dul daayaan madaxa sare ee usha Isbiidhka, taas oo marar badan sababta in isaga oo qofku aan dhaadsanayn uu usha dhaq-dhaqaajiyo ama miisaankiisu u bato dhinac oo usha uu ku dhaco culays uu isagu u haysto in uu yar yahay laakiin runtu tahay in aanay ushu qaadi karin.

Dhaqdhaqaaqaas iyo culayskaas ku dhacaya usha geerka ama Isbiidhka gaadhiga ayaa ay khubaradu sheegeen in ay khatar ku tahay biraha iyo guud ahaan qaabka uu u rakiban yahay isbiidhka oo illaa madaxa uu mishiinka kaga rakiban yahay ah.

2. Isticmaalka Bireegga gacanta (Hand Break)

Qaladaadka ugu badan ee wadayaasha gaadiidku sameeyaan waxaa ka mid ah in marka uu gaadhigu taagan yahay meel kala dheer (Uu gaadhigu dhinac u fooraro) aanay xidhin Bireegga gacanta (Hand Break), oo tusaale ahaan haddii uu gaadhigu yahay kuwa is-wada (Automatic) ah ay ku kaaftoomaan in Isbiidhka ay geeyaan Parking (P). Waxa ay khubaradu sheegayaan in gaadhiga oo aan sinnayn marka la istaajiyo haddii aan Bireegga gacanta la xidhin ay keenayso in miisaanka gaadhigu ku wada dhaco qayb yar oo ka mid ah Isbiidhka oo ah ta lagu magacaabo joojinta (P), culayskaas ay gaadhiga xejinaysaana waxa uu aakhirka ku keenaa dhaawac iyo in cillad fogaataa ay ku timaaddo.

 3. Gaadhiga oo culays aan muhiim ahayn la saaro:

Dadka qaar ayaa caado u leh in ay gaadhia ka dhigtaan goob xamaamtooda iyo biraha ay gaadhiga ka beddelaan ama gelinayaan ku urursadaan, iyaga oo u haysta in uu miisaankoodu fudud yahay oo aanay dhibaato keenayn.

Waa run in miisaanka gaadhigu uu qaadi karaa intaa ka badan yahay, laakiin waxa ay khubaradu isku raacsan yahay in culayska gaadhiga saarani in kasta oo uu le’eg yahay, haddana uu gaadhiga uun saaran yahay, kuna keenayo in ugu yaraan shidaalka uu gaadhigu cabbayaa ka bato inta uu cabbi lahaa haddii aanu culayskani saarnayn. Waxa ay dhibta culayskani ugu sii badanaysaa gaadhiga marka ay waddooyinku yihiin kuwo aan fiicnayn sida kuwa dalkeenna oo godadku ku badan yihiin.

4. Shidaal yar oo gaadhiga lagu wado:

Dad badan ayaa caado u leh in gaadhiga ay ku shubaan shidaal aad u yar, ama in aanay shidaal cusub ku shubin illaa ay ogaadaan in shidaalka ku jiraa uu aad u yar yahay. Waxa ay xeeldheerayaasha gaadiidku sheegeen in gaadhiga oo shidaal aad u yar lagu wadaa ay khatar ku keento aan ahayn oo keliya in qashinka gaadhiga taangigiisa ku jira uu gaadhigu nuugo, balse waxa kale oo ay keentaa in gaadhigu uu kululaado iyo in cillad muddo kadib ku timaaddo mishiinkiisa.

Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in baabuurta casriga ahi nidaamka ay ku qaboojiso bambada gaadhigu ay tahay in ay isla shidaalak laftiisa uun ku shubto, markaa haddii aanu shidaal badani gaadhiga ku jirin, waxa ay keeni kartaa in gaadhiga kulaylkiisu aad kor ugu kaco iyo in cillad gaar ahaan bambada ahi ku timaaddo.

5. Dhaqaaq ama istaag kedis ah:

Waxa ay xeeldheerayaasha gaadiidu sheegeen in gaadhiga oo ay ku soo noqnoqdaan istaagga iyo dhaqaaqa kediska ahi ay keenaan in shidaalka cabbistiisu uu badsado, in uu dhaqso u cuno qabaha bireegga iyo in muddada dheer uu ku keeno cillado kale.

Gaadhiga nooca is-wada ah (Automatic) istaagga iyo joogsiga kediska ahi waxa uu muddada dheer ku keenaa cillad dhinaca korontada ah, sababtuna waa isbedellada degdegga ah ee ku dhacaya gaadhiga xawaarihiisa.

6. Gaadhiga oo aad laawarka loo qabto marka uu taagan yahay, gaar ahaan waqtiga qabowga ee la rabo in la kululeeyo: Waxa ay khubaradu sheegeen in arrintan oo soo noqnoqotaa ay sababto isbedello kadis ah oo dhaawac gaadhsiiya biraha gudaha gaadhiga ku jira, waxa kale oo dhaca in mishiinku uu wareeg xooggan sameeyo xilli aanay saliiddii wada gaadhin wareegga gaadhiga. In wareegga gaadhigu dhaqaaqo saliidda oo aan wada gaadhini waa khatarta dhaawac ugu weyn gaadhsiisa mishiinka.

7. Isbidhiika oo si kedis ah isbiidh hore u socod iyo dib u dhaqaaq isugu beddela:

Gaadhiga oo isaga oo hore u socda ama dib u socda (D iyo R) si kedis ah dhanka kale loogu beddelaa waxa ay ka mid tahay qaldaadka ugu badan ee ay wadayaasha gaadiidku sameeyeen, waxa aanay ka mid tahay sababaha cillada ugu badan ku keena shaqada geerka iyo guud ahaan mishiinka.

Arrintani waxa ay badan tahay marka darawalku uu rabo in uu meel dib uga yara baxo kadibna hore dhaqso ugu dhaqaaqo, waxa aanay khubaradu ku talinayaan in sida saxda ahi ay tahay in gaadhigu marka uu hore ama dib u socdo, inta aan dhinaca kale loo wareegin ay qasab tahay in marka hore si buuxda gaadhiga loo istaajiyo, ugu yaraanna laba daqiiqo u dhexeeyaan marka uu istaagay iyo marka isbiidhka dhina kale ah looga wareegayo.