Caadooyin Cuntada Kadib In La Sameeyaa Ay Khatar Ku Tahay Caafimaadka: Maydhashada, Jimicsiga, Shaaha Iyo ..

0
1459

Hargeysa (Geeska)- Waxaa jira ficillo badan oo ay dadka qaar sameeyaan xilliyada cuntada kadib, laakiin dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in ay khatar ku tahay caafimaadka. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Sky News waxa aynu ku eegaynaa habdhaqannada iyo caadooyinka taban ee carqaladeeya dheefshiidka cuntada, kadibna caafimaad xumo keena, waxa aana ka mid ah:

  1. Maydhashada cuntada kadib: maydhashadu waxa ay kordhisaa burqashada dhiigga ee xididdada dhexdooda, waxa aanu si gaar ah u xoojiyaa dhiigga soo gaadhaya gacmaha iyo lugaha hoose, taas oo iyaduna sababaysa in uu yaraado dhiigga gaadhaya caloosha, marka uu yaraado dhiigga caloosha gaadhayaana waxaa hoos u dhac weyni ku yimaaddaa hawsha dheefshiidka oo aakhirka ay ka dhalato calool xanuun iyo casiraad.
  2. Jimicsiga: Waxa ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in ay caafimaad ahaan qalad tahay in qofku uu maydho isla marka uu cuntada culus cuno kadib, taas oo ay sheegeen in ay khatar ku tahay caafiamadka. Waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyeen in qofku uu maydho marka ugu yaraan 2 saac laga joogo waqtiga uu cuntada culus cunay.
  3. Sigaar nuugista: Marka laga yimaaddo khatarta caafimaad ee la hubo in uu sigaarku ku keeno qofka, waxaa jira khatar kale oo uu leeyahay marka la nuugo cuntada kadib. Dadka sigaar nuugistu caadada u noqotay waxaa lagu yaqaannaa in ay cuntada kadib xabbad sigaar ah shitaan waxa se ay khubarada caafimaadku caddaynayaan in tijaabooyin la sameeyey lagu ogaaday in khatarta ay leedahay xabbad sigaar ah oo cuntada culus kadib la nuugaa ay la khatar tahay 10 xabbo oo sigaar ah oo la nuugo marka ay calooshu madhan tahay.
  4. Shaaha cuntada kadib: In shaah la cabbo isla marka cuntada culus la cuno kadib ayaa ay khubarada caafimaadku xaqiijinayaan ay xannibaad ku keento awoodda ay caloosh u leedahay in ay dheefshiiddo barootiinnada ku jira cuntada, sababtuna ay tahay xaddiga badan ee asiidhada ah ee shaaha ku jira.
  5. Hurdada: Dadka qaar ayaa lagu yaqaannaa in ay cuntada kadib lu’ loodaan, gaar ahaan marka ay cunaan cuntada ay duxdu ku badan tahay, laakiin waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in hurdada la seexdo isla marka cuntada laga kacaa ay khatar ku tahay habsami u shaqaynta dheefshiidka cuntada, oo la og yahay in aanu shaqayn marka hurdadu ay gaadho qaybaha maskaxda qaybo ka mid ahi aanay sida soo jeedka u shaqayn.

Arrintani waxa y keentaa caabuq iyo xanuun ku yimaadda midhicirada, iyo xaalado caafimaad darro oo caloosha soo waajaha.

  1. Khudradda: In khudradda la cunaa waxa ay si guud ugu fiican tahay caafimaadka qofka. Laakiin waqtiga aad cunayso ayaa marmarka qaarkood keena dhibaato caafimaad darro, tusaale ahaan ma fiicna in aad khudradda caydhinka lagu cuno cunto marka aad cuntada cunto kadib, sababtuna waxa ay tahay baadhitaannada caafimaadka oo caddeeyey in marka cuntada laga kaco khudradda la cuno ay ka tagto faa’idooyinka caafimaad ee uu jidhku ka heli lahaa, mararka qaarkoodna lagaba yaabo in ay khatar ku tahay caafimaadka, maadaama oo khudraddaas laga damaysiiyey cuntadu ay qaadanayso ama buuxinayso caloosha intii marka hore u bannaanaan lahayd hawada.

Waxa ay khubarada caafimaadku taliyaan in cunista khudaaradka saacad ama laba saac laga dambaysiiye cunista cuntada culus.

  1. Socodka: Socodka la socdo isla marka cuntada laga kacaa waxa uu dhibaato caafimaad ku keenaa habdhiska dheefshiidka waxa aanu cillad geliyaa awoodda uu jidhku u leeyahay in uu dheefsado cuntada. Sida oo kale socodku waxa uu sida oo kale cuntada ka saaraa dhammaan faytamiinnada iyo macdanaha ku jira, sidaa awgeed waxa ay cuntadu noqotaa bilaa faa’ido.

Waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofka doonaya in uu socdo ay tahay in uu socdo ugu yaraan saacad kadib marka uu cuntada culus cuno.

  1. Daawashada Talefishanka: Daawashada talefishanku waxa ay ka mid tahay dhaqannada iyo caadooyinka dunida ku soo badanaya ee haddana dhakhaatiirta caafimaadku sida joogtada ah u caddeeyaan in ay dhibaato ku keenayso dheefshiidka cuntada iyo caafimaadka guud labadaba.