Buug Lagu Ururiyay Suugaantii Faarax Nuur Oo Xalay Lagu Soo Bandhigay Hargeysa

0
2516

Hargeysa(Geeska)-Waxa xalay magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay buug lagu ururiyay suugaantii Alle haw naxariiste Abwaan Faarax Nuur Wacays.

IMG_9225

Buugan oo uu qoray Maamed Cali Saxardiid,  islamarkaana ay daabacday shirkadda Sagal Jet waxa xafladisa lagu qabtay hoteelka guuleed ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb galay dadweyne tiro badan oo isugu jiray siyaasiyiin, hoggaamiyayaal dhaqan, aqoonyahano iyo dhallinyaro.

Wasiirka qorshaynta Md. Cali Salaan Jirde, oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in buugan ay ku duugantahay suugaan tiro badani.

Boobe Yuusuf Ducaale, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Faarax Nuur ahaa nin aragti dheer oo ay gabayadiisu qabanayeen meelo fog, waxaanu Boobe u mahadceliyay qoraaga buugga mudada dheer qorayay.

Saleban Cumar Joog, ayaa Faarax Nuur ku tilmaamay nin aan dhiman ee nool mar haddii la hayo suugaantiisii, waxaanu dhallinyarada reer Somaliland ugu baaqay inay bartaan dadkooda indheer garadka ah sida Faarax Nuur oo kale.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo  uu Faarax Nuur Awoow u ahaa ayaa yidhi  “Waxa aan halkan ka cadaynayaa in uu awoowgay Faarax nuur ahaa samataliye, sababta oo ahaa geedkii uu fadhiisan jiray waxa laga dhisay masjid, waxaanan soo jeedin lahaa in wadada isku xidha magaalooyinka hargeysa iyo baligubadle loo bixiyo faarax nuur” ayuu yidhi.

Sacad Cabdi Daahir, oo isna ku hadlayay magaca shirkadda Sagal Jet ee buugga daabacday, ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu buuggu soo maray.

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa iibsaday boqol buug oo ah buuga laga qoray suugaantii Faarax Nuur, si buu yidhi “aan ugu dhiirigeliyo dadka kale ee madasha joogay inay iyaguna iibsadaan.”

Wuxuu Jamaal xusay in gabayadii Faarax Nuur yihiin kuwo daray ah oo taabanaya xaaladda siyaasadeed ee Somaliland marayso maanta.

Maxamed Ibraahim Qabo, badhasaabka gobalka Togdheer oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay taariikhdii Faarax Nuur, waxaanu sheegay in daabacaada buugani ay wax weyn u tarayso taariikhda.

"Waxa aan u qaadayaa gobolkaygii Togdheer wax ka badan inta ay qaateen xisiyadu, maadama gobolkayga ay ka soo jeedaan dad magac lihi waxa aan qaadanayaa kun buug" sidaas ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, oo isaguna munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa wuxuu bogaadiyay qoraaga buugga oo uu tilmaamay inuu xil iska saaray ururinta suugaantii Faarax Nuur Wacays, waxaanu Cabdiqaadir halkaas ka iibsaday 50 buug  "Waxa aan qaadanayaa 50 buug oo aan u qaadayo reer Jirde meel kasta oo ay joogaan, sidoo kale waxa aan xisbigayga Waddani u qaadayaa 300 oo buug" ayuu yidhi Jirde.

Wasiir-xigeenka maaliyadda iyo guddoomiyaha guddiga Afgarad Dr. Maxamed Warsame Ducaale, ayaa iyaguna ka mid ahaa masuuliyiintii madashaas ka hadashay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax ayaa iyaguna ka waramay taariikhda suugaaneed ee Faarax Nuur.

Ugu dambayn Maxamed Cali Saxaradiid, qoraaga buugga oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa yidhi "Waxa aan marka hore jeclaa in aan hadal badan oo ku saabsan tafaasiisha buuga halkan ka bixiyo, laakiin dad badan ayaa halkan ka hadlay oo wixii aan odhan lahaa yidhi. somalida waxa lagu sheegaa dad hadal hadalka iyo afka wax isugu gudbiya, gabayaduna waxa ay ahaayeen kuwa ugu saamaynta badan ee gobolada somalida isaga kala gudba. faarax waxa uu ku jiray abwaano caan ahaa oo jiray, ragaasi waxa ay u dhigmaan shakespearka ingiriiska, waxaana la maqlayay in xuskiisii la samayn jiray waxaanu jiray afar boqol oo sano ka hor. Gabayaagii wakhtigaasi jiray waxa ay salka ku hayeen qabiilooyin, waxaana jiray dagaalo af iyo adinba la isu adeegsan jiray,faarax nuur io gabayaagii faraha badnaaba ee jirayba waxa loo baahan yaha in la qoro, waayo waxa laga dhex helayaa taariikhaheenii hore.”

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo munaasibada soo gunaanaday ayaa yidhi "Runtii barnaamijkan laga hadlayaaa waa mid taariikh, ee laakiin maaha mid waaqacan maanta la jaanqaadaya, runtii waxa aynu nahay dad sidoodaba taariikhaha iska neceb, waxaana laga yaabaa in la aaso taariikhaha, waxaanan u mahadnaqayaa Sagaljet iyo dadkii ka hawl galay sidii loo soo saari lahaa buugan:" ayuu yidhi Suldaan Cumar.