Buug Cusub Oo Xiisa Badan: Aadam (CS) Iyo Xaawi Waa Lammaanaha Dunida Ugu Nasiibka Badanaa, Waayo Midkoodna Soddoh Muu Lahayn

0
916

Hargeyska (Geeska)- Halku-dhegga cinwaankeenu waxa uu magac u yahay buug cusub oo dhowaan soo baxay, buuggan waxa qoray lammaane is qaba oo la kala yidhaahdo Alan iyo Barbara, waxa aanu ka hadlayaa dabeecadaha gaarka u ah mid kasta oo ka mid ah labada jinsi, iyaga oo in badan tixraacaya noloshoodii. Dabeecadaha ay lammaanahani kaga hadleen buuggoodan waxa ka mid ah, iyaga oo sheegay in raggu had iyo goor beenta ku badan yihiin halka dumarkuna ku badan yihiin oohinta. Qoraalka buuggan waxa ka mid ah, “Haddii aad doonayso inaad ku guulaysato xidhiidhka aad la yeelanayso gabadha waa in aad barataa ku hadalka laba luuqadood, luuqadda ninka iyo luuqadda gabadha.”

Buuggu waxa uu beenta ay isu sheegaan lammaanaha is qabaa u qaybinaya afar nooc oo kala ah:

1.  Beenta Cad.

2.  Beenta faa'idada leh.

3. Beenta Dhagarta.

4. Iyo beenta khiyaamadu ku jirto.

Daraasado hore loo sameeyey ayaa caddeeyey in gabadhu ay ninka mar walba kaga xariifsan tahay garashada iyo fahamka dareenka qofka beenta sheegaya, sidaa awgeed ay si sahal ah u garan karto marka uu saygeedu beenta u sheegayo, dhinaca kalana waxa ay daraasadahaasi sheegeen in ninku marka uu beenta sheegayo dareenkiisu jawaab celin muuqata ka bixiyo, tusaale ahaan mar kasta oo ay beentu sii weynaato waxaa casaada wejigiisa, oo haddii uu cas yahay si fiican looga dareemi karo dhiig roor.

Wargeyska Alyoum Al-ssaabic oo uu wargeyskan Geeska Afrika soo xigtay ayaa mar sii horreysay ka sheekeeyey buuggan lammaanuhu ka qoreen kala duwanaanshiyaha dabeecadda sayga iyo oorida, waxaana ka mid ahaa qoraalkiisa, “Waxa ay lammaanahani buugooda ku sheegeen in dabeecadaha ay ku kala duwan yihiin lammaanuhu ay ka mid tahay in ninku marka uu gabadha hadyad u keeno ay dareento in uu danaynayo aadna u jecel yahay laakiin shardigu yahay inuu sii wado hadyad keenista ama xataa uu si maalinle ah u keeno” Waxa kale oo ka mid ah in ninku dareemo in toddobaadka oo dhan uu u shaqaynayo una daalayo nolosha xaaskiisa iyo carruurtiisa, laakiin gabadhu sidaas uma aragto, waxa kaga weyn hawsha uu ku maqan yahayna waa u fiirsiga saacadaha badan ee uu guriga ka maan yahay. Waxaana in badan dhacda in arrintani sabab u noqoto xidhiidhka lammaanaha oo xumaada.

Waxa uu buuggani qorayaa in dabeecadda ugu weyn ee ragga iyo dumarku ku kala duwan yihiin ay tahay. Ragga oo daneeya wax yaabaha waaweyn oo keliya iyo dumarka oo waxa ugu badan ee ay daneeyaan tahay wax yaabaha yar yar iyo tafaasiisha hoose. Ereyada qosolka leh ee buuggan ku jira waxa ka mid ah.

1. “Aniga iyo soddohday labaatan sano ayaanu lahayn xidhiidh wacan iyo kalgacal laakiin waxa ay ahayd intii aanaan kulmin”

2. Farqiga keliya ee ragga iyo carruurta u dhexeeyaa waa kala duwanaanshiyaha qiimaha qalabka ay ku ciyaaraan.

3. Ragga oo dhami waa isku mid, muuqaalka wejiga ayuun baa kala duwa.

4. Aadam iyo Xaawa waa lammaanaha dunida ugu nasiibka badan, waayo midkoodna soddoh muu lahayn.