Buubaa Oo Siyaasiyiinta Somaliland Ku Waaniyay Inaanay Isticmaalin Inay Somaliland Ka Go’day Somaliya 1991

0
751

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa siyaasiyiinta Somaliland uga digay hadalada jaban ee ay sheegaan ee ah in Somaliland ka go’day Somaliya sannadkii 1991, waxaanu taas ku tilmaamay sharci darro, isagoo xusay in Somaliland aanay Somaliya ka go’in ee ay kala soo noqotay xorriyadeedii lixdankii.

Md. Buubaa, oo hadalo koob-kooban ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu siyaasiyiinta Somaliland uga digay faafinta hadaladaas oo ah kuwo jaban  “Doodda jaban ee ku saabsan Somaliland, waxa inta badan faafiya siyaasiyiinta Somaliland oo meelahaas ka sheega in Somaliland ka go’day Somaliya bishii May ee sannadkii 1991.” ayuu yidhi Buubaa oo intaas raaciyay “Hadalada aan jirin ee  ah in Somaliland ay tahay gobal ka go’ay  Somaliya, waxay ka soo horjeedaa Midowgii Somaliland iyo Somaliya ee 1961 ee ay ku midoobeen laba dal oo xor ahaa.”

Buubaa oo qoraaladiisa sii wataa wuxuu yidhi  “Hadaladani la sheegayo ee ah in Somaliland ka go’day Somaliya, waxay ka soo horjeedaan madaxbanaanidii Somaliland ay heshay sannadkii 1960. Sidaas darteed, hadalada siyaasadeed ee lagu sheego inay Somaliland tahay gobal ka go’ay Somaliya gebi ahaanba waa khalad, waana in la saxaa.”