Buubaa Oo Ku Taliyay Inaan La Dhayalsan Hadaladii Cabdillaahi-jawaan Ee Ah In Taladii Dalku U Gacan Gashay Cid Aan La Dooran

0
626

Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, kana tirsan Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay is casilaadii la taliyihii Madaxweynaha ee dhinaca Doorashooyinka Cabdilaahi Jawaan, waxaanu tilmaamay inuu gar u leeyahay is casilaadiisa madaama uu arkay waxyaabo badan oo khaldan, waxaanu xusay in aan la dhalaysan hadaladiisa.

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale sheegay in mus-dabeed komishanka loo magacaabay aanay ahayn wax suurtagal ah, waxaanu yidhi “Cabdilaahi Jawaan waa nin weyn, hadaladiisi waan daawanayey, aad baan ugu fiirsaday una dhuuxay, wuxuu inoo sheegay in wax badani khaldan yihiin, wuxuu inoo sheegay in taladii dalka cid aan loo doorani, gacanta ku hayso, markaas inuu is casilaa waa gartiisa, xaqna wuu leeyahay madaama uu ahaa la taliyihii Madaxweynaha ee arimaha Doorashooyinka, wax la weydiin waayo, waxna laga qarsado, markaas Cabdilaahi Jawaan hadaladaas uu inoo sheegay waa hadalo dareen leh, oo u baahan in aan la dhayalsan  ee laga daba tago”.

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa mar uu ka hadlaayey kalsoonida Komishanka lagu qabi karo ayaa yidhi “Cabdilaahi Jawaan isagoo ah la taliyaha arimaha Doorashooyinka ee Madaxweynaha, wax aad loola yaabo ah in Komishankii Doorashooyinka ee dhexda u ahaa Xisbiyada ee laga filaayey inay Doorashada dhex ka noqdaan, oo ay qabtaan Doorasho xor iyo xalaal ah inay yidhaahdan naga bax, markaas waxa dhab ah inay jiraan wax la qarinayo, haddii ay daacad yihiin may yidhaahdeen naga bax,”.

Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa mar uu ka hadlaayey mus-dabeedka ayaa yidhi “Guddi Mus-dabeed la yidhaahdo oo Madaxweynuhu magacaabaa, maaha wax suurtagal ah oo ka soconaya, mana noqon karo Guddi mus-dabeed oo lagu kalsoon karo, Komishan baa loo doortay oo loo igmaday Doorashooyinka, ee Guddi Mus-dabeed oo loo igmaday ma jiraan, waxaana xaqiiqo ah in Guddidan oo aan sharcigu dhigayn la sameeyo in kalsoonidii Doorashada ee Xisbiyadu meesha ka baxayso”.