Bushaaro Caafimaad: Hargabka Oo La Filayo In Uu 10 Gudahood Dunida Ka Dabar Go’i Doono

0
1009

London (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in ka takhalusidda duraygu ay suurtogal tahay toban sano gudahood, kadib markii ay heleen sir cilmiya oo la filayo in ay suurtogeliso ka adkaanta fayraska hargabka keena oo inta badan lagu yaqaanno in uu keeno caafimaad darro sii jirta qiyaas ahaan laba toddobaad, haddii la qaato dawooyinka ku habboon ee ka hortaga qufaca uu keeno ee ka dhalanaya caabuqa uu hunguriga ku keenay, iyo xaaladaha la mid ah. Xalka keliya ee caafimaad ahaan loo hayaana waa in la dejiyo uun.

Natiijada daraasad uu Geeska Afrika turjumay oo laga soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in xeeldheerayaasha caafimaadku ay hadda ogaadeen sida u sida ugu habboon ee loo jari karo ishaarooyinka hidde ee xidhiidhka la’ leh Fayraskan sababa hargabka. Waxa aanay heleen gol jilicda fayraskan oo lagu magacaabo Parechovirus, taas oo ka caawinaysa in ay ka awood bataan fayraskan.

Natiijadan cusub ee ay culimada caafimaadku heleen waxa ay ku hoggaaminaysaa in ay soo saaraan dawo ka hortag ah oo qofka ka ilaalinaysa in uu ku dhaco hargabku, ama ugu yaraan haddii uu dhaco hargabku ka dhigaysa mid fudud oo muddo aad u gaabanna qofka kaga baxa.

Bare-sare Redan Touruk oo Bayoolojiga ka dhiga jaamacadda New York ayaa sheegay in duraygu uu sannad kasta ku dhaco dad tiradoodu ka badan tahay Laba Milyan oo ruux oo daafaha dunida ku nool, sidaa awgeed in guushan cilmi la gaadhaa ay tahay arrin mudan dhiirrigelinteeda.

Hargabka oo Fayraska dhaliya loo yaqaanno Fayraska qabowga ayaa inta badan dadka ku dhaca xilliga