Burco: Xisbiga Waddani Oo Dhaliilay Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo

0
646

Burco(Geeska)-Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ee gobolka Togdheer ayaa dhaliilay socdaalkii Madaxweynaha Somaliland ku maray qaar ka mid ah goboladda dalka ,kaasi oo ay ku tilmaameen xaalad abuur.

Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa ka dayriyay saamayn xoogan oo ay cashuur-kordhintii Xooluhu ku keentay dhaq-dhaqaaqa Sayladda Xoolaha Magaalada Burco iyo ganacsiga magaaladaasi ,waxaaney Xukuumadda ugu baaqeen in ay dib u eegis ku samayso arintaasi.

Masuuliyiintan oo xaruntooda gobolka ugu waramay qaar ka mid ah Saxaafadda Burco ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha doorashooyinka ,taasi oo ay xuseen Xisbi’ahaan in aaney aqbali-doonin in ay Hal Maalin dhaafto xiligii loogu talogalay .

 Marwo Hinda Jaamac Gaani oo ka mid ah xubnaha guud ee ugu sareeya Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa. “  Socdaalkii Madaxweynuhu ku maraayay gobolada dalka .waxaanu tagin kuwii ugu mudnaa goboladda Somaliland,kuwaasi oo ay ka mid yihiin gobolka Sool ,Gobolka Cayn ee Buuhoodle ,Daad-madheedh iyo Gobolka Hawd ,hadaba su’aasha umadda reer Somaliland iswaydiinayaan waxay tahay ,maxaa sababay hadii Madaxweynuhu kormeerkiisa uu ku maraayay gobolada Somaliland Laas-qoray-na uu tegay ,muxuu ku diiday in uu tago Gobolka Sool ?.Maxayse muujinaysaa haday shacab weynaha reer Sool cabatin iyo dadafayn badan oo ay qabaan sheeganayeen ,manta marka laga reebo kormeerka Madaxweynaha maxay ku hadlayaan ?.Mida kale gobolka Cayn oo magaalo madaxdiisu tahay Buuhoodle hore-na uu uga jiray maamulka Khaatumo State ,marka uu Madaxweynuhu booqashadiisa dalka ka reebo ,miyaaney u ekayn wadamadda Somaliland aan ka midka ahyn ee la dariska ah.

Run’ahaantii waxa la odhan-karaa marka so toos ah loo eego booqashadaasi Madaxweynenaha waa mid xaalad abuur ay shicibku ka qaadeen oo kuligood aaney ku qancin “ Sidaasi ayay tidhi Hinda Jaamac.

Waxaaney intaasi raacisay “ Gobolka Togdheer oo lagu yaqaanay in uu hodan ku yahay Biyaha iyo Xoolaha nool ,manta Sayladiisii waxay u eegtahay meel laga guuray ,waxaana sababay cashuur kordhinta xad-dhaafka ah ee Xukuumadda ,taasi oo aaney Ganacsatadda iyo dadka Xoolo dhaqatada ahi mid-koodna aanu qaadikaraynin.

Xoolihii Sayladda Wadamadda Kililka ,Somaliya iyo Puntland kaga iman jirayna way istaageen ,waxaaney u baydheen dalal kale Burco-na way saamaysay ,markaa waxaan Xukuumadda ugu baaqayaa in ay arintaasi hoos u eegto oo shicibkeeda u tudho “ Sidaasi ayay hadalkeeda kaga baxday.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. "Waxaan halkan ka cadaynayaa safarkii Madaxweynaha ee goboladda muu qiimaynin xaalada nolosha ee dadkiisu ku suganyahay ,cid uu wax ka waydiiyayna may jirin xiitaa Burco markii uu yimi habeen ayay ahayd markii uu ka baxayna salaadii subax ayay ahayd shicibkuna taasi kamay filaynin ,xiitaa goboladda umuu cadaalad samaynin oo muu wada marin .Waxaanu kale oo  mudooyinkan danbe soo baxaayay warar sheegaya in Xukuumadu mudo kordhin rabto oo doorasho aaney diyaar u ahayn markaa anagu mucaari-ahaan waxaanu beesha Caalamka iyo umadda kale-ba u sheegaynaa doorashadu xiligii loogu talogalay haday hal maalin dhaafto ,ma aqbalidoono ,waa in ay wakhtigii loogu talogalay dhacdaa" Sidaasi ayuu Guddoomiyuhu yidhi.