Burco: Xildhibaan golaha wakiilada ka tirsan oo la tooriyeeyay

0
704

jamacBurco(Geeska)-Waxa maanta duhurkii magaalada Burco lagu tooriyeeyay xildhibaan Jaamac Xasan Aden oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

Sida ay wararku sheegayaan xildhibaanka waxa tooreyda lala dhacay mar uu ka soo baxay masaajidka, salaadii duhur, waxaana falka gaystay nin la sheegay inay isku qoys yihiin oo madaxa ka jiran. Xildhibaanka ayaa la sheegayaa inay xaaladiisa caafimaad wanaagsantahay.