Burco: Laba Qof Oo U Geeriyooday Laydh Qabsaday

44
3534

Burco(Geeska)-Laba ruux ayaa ku dhintay koronto ku qabsatay boodh ay rakibayeen magaalada Burco, labadan qof alle hawnaxariistee ayaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Maxamuud Aadan iyo Axmed Xuseen Caynaba waxaana loola cararay cisbitaalka guud ee Burco kaas oo markiiba xaqiijiyay inay geeriyoodeen.

Korontada ayaa guud ahaan magaalooyinka Somaliland ah mid dhibaatooyin dhimasho iyo waxyeelo kale ahba gaysta iyada oo loo aanaynaayo qaabka korontada magaalooyinka Somaliland loo galiyo oo ah qaab aan laga eegin dhanka nabadgalyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here