Bunka Sonkorta Ka Daa Oo Milix Ku Dar Si Uu Qadhaadhku Uga Yaraado

0
1000

Landhan (Geeska)- Dad tiro badan ayaa jecel in ay aroorta hore inta aanay shaqada bilaabin cabbaan koob bun bigaysa ah. laakiin waxa ay aad ugu kala duwan yihiin ku darsashada sonkorta oo qaarkood ay ku daraan halka kuwana ay isaga daayaan sababo caafimaad ama taxaddar awgeed. Waxaa marar badan dhacda in qof bunka in uu sonkorta ka daayo jeclaan lahaa uu u adkaysan waayo qadhaadhka, oo taasi ku kallifto in uu sonkorta ku daro, haba yareeyo ee.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa dadka sonkorta bunka ugu dara qadhaadhka dartii kula talinaysa in ay isticmaalaan milixda oo qadhaadhkaas kaxaynaysa ama aad u yaraynaysa. “In yar oo cusbo ah ku dar bunka, waxa aad arki doontaa in uu yeeshay dhadhan aanad filayn” ayaa lagu yidhi qormada uu Geeska Afrika turjumay, iyada oo intaas ku sii dartay, “Waa run in aad macnodarro u arki doonto hadalkan, laakiin ogow in dadka fikirkan soo jeediyey ay haystaan caddaymo cilmi ah”

Cilmibaadhis

Cilmibaadhis uu dhowaan natiijadeeda baahiyey wargeyska The Metro ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Aayoonada Naatariyam (Sodium Ions) ee milxdu ay burburiyaan dhadhanka qadhaadh ee bunka una sameeyaan dhadhan aad u soo jiidanaya carrabka.

Qiyaasta sonkorta uu qofku bunka ku darayo si uu qadhaadhka uga adkaado, mid aad u yar oo milix ah ayaa uu bunku u baahan yahay. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in biyaha bunka aad diyaarinayso aad milix ku darto.