Bulsho Kastaa Farxaddeeda Nafsiga Ah Waxa Ay Ku Gaadhaa Si U Gaar Ah Oo Dhaqankeeda Waafaqsan

32
3714

Copenhagen (Geeska)- Qoraaga reer Denmar ee Meik Wiking ayaa buuggiisa uu u bixiyey Hygge oo macnaheedu yahay farxadda, waxa uu ku sheegay in dal kasta ay dadkiisu farxadda u yaqaannaan si iyaga fahamkeedu u gaar yahay, si uu taas u gaadhana waxa uu sameeyey cilmibaadhis uu ku wareegay dalal badan si uu u ogaado waxa ay dadka ku dhaqani u yaqaannaan farxadda iyo sida ay u cabbiraan.

Buugga uu qoray Meik oo xiise gaar ah yeeshay, ayaa daabacaaddiisii koowaad waxaa dalka Faransiiska oo keliya lagaga iibsaday 50 kun oo buug. Daraasaddaas dheer kaddib Wking waxa uu gaadhay natiijada ku qoran buuggan oo uu ku soo bandhigayo caadooyin kala duwan oo dunida ka jira, kuwaas oo muujinaya in ummad kastaa ay farxadda ku hesho hab iyada u gaar ah. Haddaba qaar ka mid ah caadooyinka dunida ka jira ee dadka lihi samayntooda farxad iyo raynrayn ku gaadhaan, ayaa waxaa ka mid ah kuwan uu Geeska Afrika turjumay:

Faransiiska: Dadka Faransiiska waxaa caado u ah in ay waqti badan ku qaataan cunto cunista, oo weliba ay ku cunteeyaan meel faalaal ah (Aan cidhiidhi ahayn). Cunto wadareedkana waxa ay u yaqaannaan fursad la isku haleeli karo si la isu dhaafsado kalgacal, loona haasaawo oo aragti iyo kaftanba la yeesho.

– Dhenmaarik: Dalka Dhenmaarik, gaar ahaan dadka magaalada Koobanheegan, waxa ay iyagu farxadda ugu weyn ka helaan in ay baabuurta iska dhigaan oo ay ku beddeshaan baaskiillado.

– Jabbaan: Caado kale oo uu sheegay qoraaga Meik Wiking waa in dadka reer Jabbaan uu ku arkay caado ah in ay farxad ka helaan waxa loo yaqaanno ‘Xamaamka keymaha’ oo ah in keymaha fog inta loo baxo jidhka lagu maydho. habkan oo ah dawo dhaqameed dhaqanka jabbaan uu u yaqaanno, ‘ Shinrinyokub’ ayaa uu cilmiga casriga ahina caddeeyey in laga helo dawo ay ka mid tahay dhiigkarka oo dega, hormoonka cortisone ee diiqadda iyo xaaladaha nafsiga ah sababa oo yaraada iyo habdhiska difaaca jidhka oo xoogaysta.

– Bhutan: Dalka Butaan oo ah boqortooyo yar oo ku taalla cidhifka bari ee buuraha Himilaaya, dadka deggenina ay aaminsan yihiin diinta buudhiisamka, ayaa uu Wiking ogaaday in farxaddooda ugu weyni ay ku xidhan tahay in qofku uu fursad u helo daqiiqado uu maskaxdiisa ka dhex saaro dunidan jaahwareerka ah oo inta uu aamuso uu u fiirsado dabeecadda iyo dunida ku xeeran.

Sida uu Wiking buuggiisan Hygge ku qoray caadooyinka aamuska ee dalkaas waxaa ka mid ah in marka ay saacadaha waxbarasho ee dugsiyadu dhammaadaan, ardaydu inta aanay bixin, loo sameeyo daqiiqado ay iyaga iyo macallinkuba inta ay afka xidhaan maskaxdooda yara faaruqiyaan, taas oo ay aaminsan yihiin in ay tahay hab maskaxda lagu soo noolaynayo.

Wiking ayaa marka uu dhaqankan ka warramayo waxa uu dadka dunida reer galbeedka kula talinayaa in ay dhaqankaas soo ergistaan, oo ay sameeyaan oo ay yeeshaan waqtiyo ay maskaxda yara faaruqiyaan maalin kasta, waayo cilmibaadhis arrintan lagu sameeyey ayaa caddaysay in ay nafta u kordhiso xasilooni, korna u qaaddo firfircoonaanta iyo awoodda shaqo ama waxbarasho ee qofka.

FG: Waxaa xusid mudan in salaadda oo uu islaamku dadkiisa ku waajibyey maalintii shan jeer, ay tahay hab uu qofku maskaxdiisa kaga faaruqinayo waayaha iyo caqabadaha joogtada ah ee nolosha ku xeeran, waqtina u helayo in maskaxdiisu ay ka dhex baxdo adduunka oo ay la faqdo Allihii abuuray. Daraasado kala duwan oo casriya ayaana qiraya in salaaddu ay tahay hab qofku uu maskaxda kaga nasiinayo dhibta nafsiga ah ee nolosha ku lammaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here