Bulshada Oo U Dheg Taagaysa Natiijada Dacwada Siyaasadeed Ee Xisbiga UCID

0
561

Hargeysa(Geeska)-Dadweynaha reer Somaliland ayaa si weyn ugu dheg taagaya go’aanka ay guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadu ka soo saari doonaan dacwada xisbiga UCID ee ay gudo galeen bilowgii bishan Ramadaan.

1

Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa natiijada muddeeyay wixii ka dambeeya bisha barakaysan ee Ramadaan.

Dacwadan ayay shacabka reer Somaliland si wayn ugu dhagtaagayaan waxa ka soo bixi doona, isla markaana  ay aad u xiisaynayaan dacwadan siyaasadeed ee u dhaxaysa Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo hore rafiiq ugu ahaa xisbiga UCID balse hadda si weyn isugu maandhaafsan majaraha xisbiga UCID.

Baraha Bulshadu kuwada xidhiidho iyo fagaarayaasha kale ee lagu kulmo ayay bulshadu si  aad ah  ugu hadal haysaa dacadda u dhaxaysa Faysal iyo Jamaal iyo natiijada la filayo inay ka soo baxdo.

Dacwadan oo ah tii u horaysay ee nooceeda ah, ayaa ah dacwad siyaasadeed oo xaasaasi ah, waxaanay guddiga diiwaangelinta ee ka garnaqaysa khilaafkan u noqon doontaa dacwad lagu eego miisaankooda iyo

kalsoonidoodaba.