Bulshada Gobalka Saaxil Oo Muxaafid Iyo Mucaarad Kulan Balaadhan Ka Yeeshay Heshiiska Dekedda Berbera Iyo DP World

0
570

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, aqoonyahanka iyo dhallinyarada beesha gobalka Saaxil, ayaa habeen hore magaalada Hargeysa ku qabsatay shir balaadhan.

1

Shirkan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen, waxa ka qayb galay masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumadda ee ka soo jeeda gobalka Saaxil, siyaasiyiinta mucaaradka ah, xildhibaanada iyo bulsho kale oo tiro badan, waxaana shirkaas su’aalo ku saabsan heshiiska dekedda Berbera  lagu weydiiyay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo maareeyaha dekedda Berbera Eng. Cali Xoor-xoor.

Sida ay xogahani tilmaameen su’aalaha badankooda waxa ka jawaabay maareeyaha dekedda Berbera oo raaciyay sharaxaad iyo faahfaahin dheeraad ah. Su’aalaha ayaa ku saabsanaa meelo heshiiska ka mid ah oo uu bulshada deegaanka Saaxil madmadow kaga jiro sida maxaa faa’iido iyo khasaare bulshada deegaanka Saaxil ugu jira heshiiska dekedda Berbera.

Sida uu warku sheegay, shirka oo wakhti badan qaatay, waxa loo balamay in dib la isugu soo noqdo islamarkaana falanqayn dheeraad ah lagu sii sameeyo heshiiska si loo eego danaha guud ahaan qaranka, gaar ahaan gobalka Saaxil ugu jira.

Heshiiska DP world iyo xukuumadda Somaliland, ayaa wuxuu noqday mawduuca ugu xaasaasisan Somaliland ee sida weyn loo hadal hayo labadii bilood ee u dambeeyay.

Inta badan bulshada Somaliland, ayaa diyaar u ah inay arkaan dalkooda oo lagu samaynayo maalgashi, waxase ay heshiiskan Berbera ka bixinayaan dareeno sas leh oo ku xidhiidhsan xukuumadda Somaliland.