Budhcadbadeed Ka Baxsatay Xabsiga Boosaaso

0
612

Picture6Bosaso(Geeska)-Ammaanka deegaanada maamul goboleedka Puntland ayaa u muuqda inuu faraha ka sii baxayo tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas.

Iyadoo ay jireen dilal kala duwan oo ka dhacay deegaanka Bosaso sida dilkii loo gaystay taliyihii ciidamada Puntland ee Galgala, ayaa waxa shalay xabsiga ugu weyn magaalada Bosaso ka baxsaday 15 maxbuus oo ka ka mid ah maxaabiis budhcad badeed ah oo xabsigaas ku jirtay.

15ka maxbuus ayaa la sheegayaa inay Boolisku markii dambe soo qabteen dhawr xubnood oo ka mid ah, balse waxa fakaday tiro kale oo badan. Warar soo baxaya ayaa sheegaya inay jiraan dad masuuliyiin ah oo maxaabiista u fududaysay inay baxsadaan.

Dadka reer Puntland ayaa aad uga walaacsan amnigooda tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Cabdiweli oo ay dadka aqoonta u lihi ku tilmaamaan siyaasad aan awood badan lahayn.