Boqortooyada Sucuudiga Oo Ethiopia Ka Qaadanaysa Xoolo Qiimo Jaban Iyo Ganacsatada Carbeed Oo Ka Hadashay

0
592

Riyad(Geeska/W.Wararka)-Wargeyska arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga sida weyn uga faalooda  ee Al-Iqtisaadiya  ee ka soo baxa boqortooyada Sucuudiga ayaa Cadadkiisii Salaasadii toddobaadkan wuxuu ku soo daabay warbixin uu ka soo xigtay  ganacsatada sucuudiga ee xoolaha nool ka ganacsatada kuwasoo sheegay in  xoolo badan ay  ka soo galeen dhinac ethiopia toddobaadyadii la soo dhaafay

Wargaysku wuxuu sheegay in arrintani ay timid  ka dib markii wasaaradda deegaanka iyo beeruhu ee sucuudigu ay  ogolaatay furintaanka Maxjarka Itoobiya taas oo aad uga qeyb qaadatay inay isdhinto 50% kharashka rarka xoolaha.

Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan oo u waraysi siiyay wargayska wuxuu  sheegay  in Maalgashadayaal badan ay u wareegayaan itoobiya si ay kor ugu qaadaan xidhiidhka sucuudiga ee ganacsi iyo maalgashi ee dhinaca Xoolaha, kulamo hor u dhac ahna  la galay si heshiisyo loo kala saxeexdo loona kordhiyo dhoofka xoolaha ee itoobiya.

Ganacsade Xaamid Al-Jadcaan wuxuu caddeeyey inay tahay waxyaalaha soo jiidashada keenaya inay tahay inay xoolaha Itoobiya u egyihiin kuwa Soomaaliya.Waxaa kale oo sheegay in xoolaha itoobiya kasoo baxaya ay toos u soo gaadhayaan sucuudiga iyaga oo aan soo marin Maxjarka Jabuuti sidii waagii hore ahaan jirtay.

” Maxjarka Jabuuti Neefka wuxuu ka qaadi jiray $9 ilaa $10 intaa waxaa dheeraa Cawska iyo wixii kale oo kharash ah oo ay xooluhu u baahdaan, wuxuu gaadhi jiray kharashka raacaya $12 – $13, laakiin imika ka dib furitaanka Maxjarka itoobiya wuxuu kharashku hoos u dhacay 50%. Waxaana la ogolaaday Maxjarada itoobiya 2 bilood ka hor” ayuu yidhi Ganacsade Xaamid, isagoo intaas raaciyay “Xoolaha itoobiya  waxay   dhanyihiin 40 Milyan oo neef, waana xoolo aad u fiican, sicirkooduna aad u macquul uyahay, gaar ahaan Maxjaradaan markii la furay oo laga maarmay kuwii Jabuuti”

Axmed Baxaafid oo  ah nin maalqabeen ah kana ganacsada xoolaha Wuxuu sheegay in maal-qabeenno badan oo Sucuudiyaan ah halkaas ka furteen Mashaariic badan sida (Naaxinta Xoolaha iyo Kawaanno) waxayna ka mid yihiin mashaariicda ugu waaweyn Qaaradda Afrika, itoobiya waxay u dhoofisaa Sucuudiga, Masar, Imaaraatka, Jabouti, Urdun.

 Dowladaha Sucuudigu iyo imaraadku waxay hore u joojiyeen xoolihii Soomaalida oo ay sheegeen in caafimaadkoodu wanaagsanayn, waxayna arrintaasi dhaawac dhaqaale ku keentay guud ahaan Soomaalida oo dhaqaalahoodu ku xidhanyahay xoolaha nool.