Boqorkii Kubada Cagta Qarnigii 20-aad Pele Oo Amaan Balaadhan Kala Dul Dhacay Wiilka Kubada Cagta Dunida Ugu Wanaagsan Wakhti Xaadirkan Ee Cristiano Ronado

0
996

Picture1Boqorka Kubada Cagta Pele ayaa amaanay weerar yahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Cristiano Ronaldo kaas oo lagu daray liiska 100-ka shakhsi ee adduunka ugu magaca sareeya.

Pele ayaa sidoo kale qiray in Cristiano Ronaldo uu soo xasuusiyay saaxiibkiisii hore Eusebio kaas oo ay Pele isku xilli ahaayeen isla markaana geeriyooday bishii February ee sannadkan. 29-jirka reer Portugal ayaa markiisii labaad loo magacaabay xiddiga sannadka isagoo ku guuleystay FIFA Ballon d’Or 2013, wuxuuna hogaamin doonaa xulka Portugal ee koobka adduunka 2014. “Cristiano Ronaldo waa mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan kubada cagta adduunka maanta” ayuu Pele u sheegay TIME, “Waxaana u hayaa xushmad weyn tartanka iyo sida uu iskugu muujiyo garoonka, la yaabna ma laha inuu noqdo xiddiga ugu wanaagsan dunida wakhtigan, waxaan nasiib u yeeshay inaan la wadaago abaal-marinta FIFA Ballon d’Or xafladii sannadkan ka dhacday Zurich, CR7 ma samayn wax-qabadkii uu xulkiisa u sameeyay sannadkan weligiis” ayuu Pele yidhi.

Waxaa kale oo uu hadalkiisi sii raaciyay “Wuxuu i xasuusiyay saaxiibkaygii yaraantii ee Eusebio, waana isku fikrad iyo isku hal abuur, aan dib u laabto, waan jeclaan lahaa inaan la ciyaaro Cristiano Ronaldo isla markaana uu ka ciyaaro hortayda, waxaan ku dhiiri-gelinayaa inuu sii wado hawsha adag oo uu hayo, isla markaana hamigiisa uu halkaas ka sii wato”. Sidoo kale Pele ayaa u rajeeyay xulka Portugal inay horu-mar ka sameeyaan koobka adduunka, balse Pele ayaa yidhi “Haddii ay Final yimaadaan xulalka Brazil iyo Portugal, waan ka xumahay Cristiano, kuma taageeri doono waayo waxaan la doonayaa koobka adduunka xulkayga Brazil”. Ronaldo ayaa dhaliyay 45-gool, 42-kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.