Boqorkii Codka Maxamed Saleban Tubeec Oo Geeriyooday

0
602

Picture4Hargeysa(Geeska)-Fannaankii caanka ahaa  ee Soomaaliyeed Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa shalay waabarigii ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla dalka Germany. 

Ehellada Maxamed Saleebaan ayaa heegay in fannaanku uu u geeriyooday xanuun in muddo ah hayay oo ka soo wajahay dhinaca caloosha, waxayna sheegeen in dhawr jeer qaliin lagu sameeyay maalmihii la soo dhaafay.
Maxamed Saleebaan oo ahaa boqorka codka ayaa wuxuu ka mid ahaa fanaaniinta waa weyn ee doorka weyn ku lahaa fanka Somalida.

Maxamed Saleebaan Tubeec ayaa iska lahaa taariikh dheer oo dhanka fanka ah, waxaana fanka Soomaaliya ku biirey dhamaadkii Kontomaadkii, isaga oo loo aqoonsadey in u ahaa kan ugu codka toolmoon fanaantiina Soomaalida.

Alle haw naxariiste, wuxuu ku dhashay fanaanku magaalada Laalays ee gobalka Saaxil, waxaanu labaatankii sannadood ee u dambeeyay ku sugnaa qurbaha oo uu shalay ku geeriyooday.