Boqorka Dalka Urdun Oo Sanduuq Uu Ku Istaago Loo Dhigay, Si Uu U Dherer Le’ekaado Trump Oo Ay Kulmeen

0
644

Washington (Geeska)- Dad badan oo warbaahinta kala socday muuqaallada laga soo tebiyey shirkii Jaraa’id ee dhowaan uu boqorka Urdun Guriga Cad kula qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waxaa u qaadan waa ku noqotay dhererka boqorka oo ay arkayeen in uu ku sar go’an yahay joogga madaxweyne Trump oo la og yahay in uu yahay nin dheer.

War arrintan la xidhiidha oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Washington Examiner ayaa lagu sheegay in in kasta oo ay labada hoggaamiye ka wada hadleen mawduucyo aad u xasaasi ah oo uu ugu khatar badnaa weerarkii Kiimikada ahaa ee Madaxweynaha Suuriya uu ku qaaday dadkiisa maatada u badnaa, haddana hadal haynta arrimahaas xasaasiga ah waxaa muhiimaddoodu cidhiidhi geliyey hadal haynta sanduuqa uu Guriga Cad ee Maraykanku u dhigay boqorka Urdun si uu ugu istaago. Taas oo ahayd qorshe ku talogal ah oo la doonayey in boqorku aanu muuqaalka kamaradda marka la eego aad uga gaabnaan madaxweynaha Maraykanka Donald Turmp.

Boqorka iyo madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlayey qaybta loo yaqaanno Beerta Ubaxa ee Guriga Cad 5tii Bishan Abriil 2017-ka, ayaa dadka sida dhow ula socday kulankoodu waxa ay tilmaameen in Madaxweyne Trump tixgelin iyo soo dhoweyn dheeraad ah u muujiyey boqorka, sida muuqatana ay aragti isu dhow ka yeesheen siyaasadaha Bariga dhexe, taas oo in boqorka loo dhigay sanduuqan lagu dherer leekeysiinayey madaxweynaha si aanay u fool xumaan sawirradiisa ka soo bixi doona shirka jaraa’id, ayaa lagu tilmaamay in ay qayb ka ahayd ixtiraamkaas aynu xusnay.

Boqorka dalka Urdun jooggiisu waa 1.67 Mitir, waxa aana 21 Sentimitir ka dheer madaxweyne Trump oo dhererkiisu yahay 1.88 Mitir.