Boqorad 6 Sano Ku Dishay Kala Badh Dadkii Ay U Talinaysay Iyo Hababka Arxandarrada Ah Ee Ay U Dili Jirtay

Published on Sep 11 2018 // Googooska Geeska

Antananarivo (Geeska)- Ranafaloonadii koowaad (Ranavalona I) waxaa lagu tiriyaa boqorrada soo maray taariikhda qaaradda Afrika kuwooda ugu dhiig daadinta badnaa. Boqoraddani muddo 33 sano ah ayaa ay gacan bir ah iyo xukun kelitalisnimo oo arxan daran ku hoggaaminaysay jasiiradda Madagaskar. Dadka sababta xukunkeedaas u dhintay muddadaas u dhexeysay 1828 kii illaa 1861 kii waxaa lagu qiyaasaa in ay kala badh ka ahaayeen muwaadiniintii xilligaas ku noolaa jasiiradda.

Ranafaloona sannadkii 1788 ii ayaa ay a dhalatay qoys faqiir ahaa oo deggenaa meel ku dhow magaalad ugu weyn jasiiradda ee Antananarivo.  Laakiin si kedis ayaa waxaa u dhacay dhacdo si buuxda u beddeshay mustaqbalka qoyska ay ka dhalatay.

Ranafaloona intii ay yarayd ayaa aabaheed uu ku guulaystay in uu badbaadiyo nolosha boqorkii jasiiradad xukumi jiray, kaddib markii uu uga digay dhagar khaarajin ahayd oo loo soo maleegay. Boqorka oo dhimashadii kaga badbaaday sababta digniintan ayaa abaalcelin ka dhigay in uu qoyskan noloshooda kor u soo qaado, iyo sida oo kale in uu inanta uu ninkani dhalay oo Ranafaloona ahayd uu isagu masuuliyadda korinteeda, barbaarinteeda iyo nolosheeda oo dhan qaado. Waxa u geeyey qasriga waxa aanu kala mid dhigay ubadkiisa.

Halkaas ayaa uu ka bilowday jidkii ay Ranafaloona u martay madaxnimada jasiiradda. Markii ay shabbad noqotayba waxa ay jeclaatay ama ujeeddo kursi doon u guursatay  Radamahii oowaad (Radama I) oo ah wiilka boqorka ee dhaxalsugaha ah. Waxa aanay ka mid noqotay 12 dumar ah oo uu qabay dhaxalsugaha oo xilka jasiirada la wareegay kaddib markii uu aabihii geeriyooday.

Ranafaloona muddadii ay ka mid ahayd marwooyinka koowaad ee jasiiradda Madagaskar waxa ay saamayn weyn ku yeelatay odaygeeda, waxa aanay samaysatay awood ay talada dalka qayb ku yeelatay, dadkii ku xeernaa odaygeedana xidhiidho adag kula yeelatay. Radamaha koowaad (Radama I) waxa uu geeriyooday 1828 kii kaltirsiga miilaadiga, isaga oo ay markaas da’diisu 35 sano oo keliya ahayd. Maadaama oo dumarka kale ee boqorku ka tegey ay ahaayeen xaasas caadiya oo aan iyagu xukunka tartan ugu jirin, Ranafaloona waxa ay dadaal kaddib ku guulaysatay in ay gacanta ku dhigto xukunka jasiiradad oo ay iyadu ka dhaxasho saygeeda geeriyooday. Waxaa la sheegaa in sababaha u sii fududeeyey in ay xukunka qabsato ay ka mid ahayd iyada oo muddadii ay marwada kowaad ahayd siyaabo kala duwan u khaarajisay cid kasta oo ay u arkaysay in uu hadhow mucaaradi doono xukun doonkeeda. Isla markii ay xukunka qabatayna waxa ay bilowday in ay disho dhammaan dadkii ka soo horjeeday in ay iyadu boqortooyada dhaxasho. Dadka ay dishay waxaa ku jiray dad muhiim ahaa oo ka mid ahaa qoysa boqortooyada laftigiisa.

Ranafaloona markii ay xukunka isku hubsatay waxa ay qaadatay siyaasad ay kursiga ku ilaashanayso oo ah argagax gelinta muwaadiniinta iyo in la soo gaabiyo nolosha ruux kasta oo aragti teeda ka duwan qaba ama looga shakiyo in uu si xor ah u fikiri karo. Muddo 33 sano ah oo ay xukunka haysay waxa ay samaysay habab maskaxda fayoobi aanay liqi Karin oo ay ku andacooto in ay ku kala saarayso dadka dembiilayaasha ah iyo kuwo berida ah, laakiin runtu ay tahay in ay doonaysay in ay dadka dembiileyaal ka wada dhigto. Waxaa ka mid ahaa habii ay u bixisay Tanjeena (Tangena). Qof kasta oo eedaysane siyaasadeed ah waxa ay ku amri jirtay in uu liqo maqaarka (Haragga) laga soo diiray (Saaray) saddex xabbo oo digaag ah. Marka uu dhammeeyo ayaa haddana la siin jiray midhaha geed lagu magacaabo Tangena oo sun ah. Marka uu eedaysanuhu intaas cuno ayaa lagu amri jiray in uu iska matajiyo, kaddibna gacanyareyaasheeda ayaa baadhi jiray maagga eedaysanaha. Haddii laga dhex helo saddexdii diirka (haragga) digaagga ahaa oo calooshiisa ka soo noqday iyaga oo badqaba oo aan googo’in, maadaama oo markii uu liqayey aanu calaalin, waxa ay ku sheegi jirtay in qofkaasi uu beri yahay. Laakiin haddii haraggaas in yari go’day, si degdeg ah ayaa qofka loogu fulin jiray xukun dil ah, iyada oo lagu eedaynayo in uu dembiile yahay.

Eedaysanayaasha oo keliya habkan laguma kala saari jirin, balse waxa kale oo ay boqoraddu habkan u isticmaali jirtay in ay ku kala saarto dadka iyada daacadda u ah iyo kuwo mucaaradka ku ah siyaasaddeeda. Dadka caadiga ah ayaa marmar inta la soo ururiyo, la marin jiray habkan, kaddibna kii diirkaas calooshiisu jarjarto ama in uu ka jarto loo aqoonsan jiray in uu mucaarad ku yahay boqortooyada.

Habkii dilka

Boqoraddan kelitalisnimada ku caan baxday iyo maamulkeedu waxa kale oo ay soo saareen habab arxandarro oo ay u fuliso xukunnadeeda dilka ah. Waxaa ka mid ahaa in qofka la dilayo isaga oo nool xubnihiisa iyo waaxyihiisa la jarjaro, in qofka oo nool laba isle’eg loo kala jaro iyo in qofka oo nool biyo kulul lagu rido.

Ranafaloona muddadii 33 sano ahayd ee ay xukunka haysay, waxa ay ol’oleyaal ciidan oo dhiig badani ku daato ka fulin jiray dhulka baadiyaha ah, si ay dadka oo dhan u cabsi geliso oo aanay cidi xukunkeeda uga hor iman.

Diinta

Jasiiraddan oo ay ka jiri jireen diimo dhaqan ah, ayaa boqorkii ay Ranafaloona xukunka ka dhaxashay uu mar ogolaaday in kaniisadaha masiixigu ay diinta kiristaanka u faafiyaan jasiiradda. Kaniisado iyo hay’ado Ingiriiska ka socday ayaa dadaalo ay diinta kiristaanka ku faafiyeen ku guulaystay in ay tiro aad u badan oo dadkii jasiiradda ah ka dhigaan Kiristaan. Waxa kale oo ay kaniisadahani fududeeyeen in dadka reer Madagaskar ay waxbartaan oo dadkii akhris/qoraalka garanayey ay aad u kordhaan. Muddo kaddib ayaa uu boqorkii u arkay in arrintani ay xukunkiisa khatar ku tahay waxa aanu manuucay in kooxaha faafiya diinta Kiristaanku ay jasiiraddiisa ka hawlgalaan.

Ranafaloona  markii ay xukunka qabatay, bilowgii cadaadis aad ah ma’ay saarin kooxaha faafinayey Kiristaanka, laakiin markii dambe ayaa ay iyaduna u aragtay in ay khatar ku yihiin xukunkeeda, kaddib waxa cabudhisay, si ka duwan boqorkii horena iyadu waxa ay kooxahan iyo cid kasta oo diinta Kiristaanka rumaysay ku qaadday dagaal aad u adag.

Inta dadka diinta Kiristaanka aaminsan la soo ururiyo ayaa iyaga oo xadhko ku xidhan laga soo laalaadin jiray gebiyo aad u dhaadheer oo buuraleyda dalka ku yaalla, waxa aana lagu amri jiray in ay ka noqdaan diinta Kiristaanka. Dad aad u badan oo ku adkaystay in aanay diintaas ka noqonaynayna xadhiga ayaa loo jari jiray si ay gebigaas oo aan hoostiisa dhagaxa badan cidi gaadhi Karin uga shalwadaan, halkaasna ku dhintaan.

Muddadii ay xilka haysay Ranafaloona waxa kale oo jasiiraddan ka dhacay masiibooyin dabiici ah, oo cudurro iyo macaluul ba keenay, dhibaatooyinkaas iyo khasaaraha ka dhashay maamul xumada boqortooyada ayaana sabab u noqday in ay u le’daan in badan oo ka mid ah dadkii jasiiraddan ku dhaqnaa.

Dhismaha dalka iyo addoomintii muwaadiniinta:

Ranafaloona waxa ay samaysay waxoogaa horumar ah oo dhinaca dhismaha waddooyinka iyo qurxinta dhismayaasha danta guud ah. Laakiin dhibaatadu waxa ay ahayd in shaqada qaranka ee loo baahdo ay muwaadiniinta ku qasbi jirtay iyaga oo aan helayn daryeel caafimaad iyo xitaa in si naxariis leh looga shaqaysiiyo. Dad aad u tiro badan oo reer Madagaskar ah ayaa ku dhintay ama ku naafoobay hawlihii dhibta badnaa iyo duruufihii adkaa ee ay kaga shaqaysiisay boqortooyada Ranafaloona.

Gumaysiga

Ranafaloona oo ciidan aad u xooggan u dhistay jasiiradda Madagaskar waxa ay ku guulaysatay in ay iska caabbido weerarro badan oo uga yimi ciidamada Faransiiska ee gumaysi doonka ahaa. Ingiriiska oo dano ka lahaa jasiiraddan ayaa si adag uga soo horjeestay in Faransiisku uu qabsado, laakiin Ranafaloona waxa ay ku guulaysatay in ay aad isaga caabbido quwadahan gumaysiga jasiiradad ku loolamayey. Ugu dambayntii waxaa jasiiraddan gumaystay Faransiiska oo muddo kaddib dhimashadii boqoraddan si buuxda u wada qabsaday.

Dhimashadii Ranafaloona

Kaddib, 33 sano oo ay xukun bir ah ku haysay talada jasiiraddan, Ranafaloona waxa ay geeriyooday 16kii Bisha siddeedaad ee sannadkii 1861 kii iyada oo 83 sano jir ah. Lama hayo tirokoob rasmi ah oo sheegaya tirada dadka Malaayiinta ah ee ay dishay, waxa se la hubaa in dadka reer Madagaskar oo tirakoob lagu sameeyey markii ay xukunka haysay 5 sano, oo ahayd sannadkii 1833 kii tiradoodu noqotay 5 Milyan, tirakoobkii xigay oo la sameeyey 6 sano kaddib, sannadkii 1839 kii, muujisay in tirada dadka reer Madagaskar ay marayso 2 iyo badh milyan oo qof. Taas oo macnaheedu yahay in 6 sano gudahood ay tiradoodu kala badh hoos u dhacday.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!