Boqor Buurmadoow Oo Ka Hadlay Shir Beeshiisu Qabsanayso

0
583

Hargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa ka hadlay shirka ay beeshiisu ku baaqday inay qabsato kaas oo uu ku tilmaamay mid loo dhan yahay oo siyaasada ka fog.

Boqor Buurmadaw ayaa sidan u sheegay warbaahinta kadib markii uu dalka ku soo laabtay shalay, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi "hawlaha I sugaya waan garanayaa insha allaahu si degan oo miisaan leh oo wadatashi leh anagu madax dhaqameed ahaan waxaanu ku shaqaynaa waxa uu shacabku doonayo, dusha waxba kagama keeno, waxay doonayaan inay shacbigu qabsadana iyo taladooda iyo aayahooda inaan toosino ayuunbay tahay. wasiiro is'haya iyo siyaasiyiin beesha ku legdamayaa ma jiraan, reerku isaga ayaa ay ka soo go'day inuu shiro iyo inuu tashado, hadday aqoon yahan tahay iyo hadday dadkii dalka joogay tahayba waanay isku waafaqsanyihiin oo wax dhibaato ahi ma jirto, siyaasaduna waa wax aanu ka dheeraanayno, waa arin dhaqan iyo mid horumarineed, beeshuna aayaheeda dhaqan ayay ka tashanaysaa, abaaro ayaa dhacay oo waan uga mahadnaqayaa sida dadku uu ugu gurmaday dadkoodii abaaruhu ay heleen hadana waa sidii ay dadka wax ugu qaban lahaayeen, wax siyaasad ah oo aanu ka yeelaynaa ma jirto oo xisbiyada iyo dadka ku mashquulsan ayaanu u daynaynaa."