Boqor Buurmadoow Oo Ka Badbaaday In Xabsiga Loo Taxaabo Iyo Halka Uu Imika Joogo

1
760

 

boqorHargeysa(Geeska)-Boqor Cismaan Aw Maxamud Buurmadoow ayaa ka badbaaday in lagu xidho madaarka Berbera, ka dib markii sida   la sheegay uu ka hadhay diyaaradii uu soo raacayay.

Boqor Buurmadoow ayaa madaarka Berbera loogu diyaariyay ciidamo xabsiga u taxaaba, balse markii uu ka war helay in la qabanayo ayaa la sheegay inuu diyaaradii ka baaqday  taas oo sabab u noqotay inuu ka badbaado xadhig. Waxaana diyaaradii ku hungoobay ciidamo boolis ah oo la sheegay in loo soo diyaariyay.

Hay’adaha ammaanka ayaa la sheegay inuu ka soo baxay amarka ah  in la qabto Boqor Cismaan, lamana sheegin sababta xadhigiisa, waxase loo aanaynayaa eeddo kala duwan oo uu u jeedin jiray xukuumadda iyo gaar ahaan Madaxweynaha oo uu si gaar ah dhawr goor u weeraray. Boqor Buurmadoow oo aanu xalay la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo  mawduucan, waxase uu sheegay inuu dalka imanayo toddobaadkan, isagoo noo sheegay inuu joogo dalka Imaaraadka Carabta.

Comments are closed.