Boqol Xildhibaan Oo Madaxeynaha Somaliya Ugu Baaqay Inuu Is Casilo

0
580

688px-H.E._Mr_Hassan_Sheikh_Mohamud,_President_of_the_Federal_Republic_of_Somalia_(cropped)Muqdisho(Geeska)-Boqol xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa Madaxweynahooda Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu is casilo, iyagoo ku eedeeyay inuu hoggaamin kari la’yahay dalka loo doortay.

Xildhibaanadan oo shalay kulan ku qabsaday Muqdisho Waxay ku eedeeyeen inuu ku guul daraystay hoggaaminta dalka.Xildhibaannada ayaa sheegay in haddii uu madaxweynuhu diido soo jeedintooda ay xil ka qaadistiisa u mari doonaan hab sharci ah.”Waxaanu mudane madaxweyne kuugu baaqaynaa oo kuugu nasiixaynaynaa inaad iska casisho xilka madaxweynenimo maadaama aad karti u yeelan wayday inaad si sax ah u hoggaamiso dalka.” Sidaas ayay xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku yidhaahdeen qoraalkooda.

Iyagoo ka hadlaya qodobada ay ku eedeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ay sheegeen in qodobada uu ku fashilmay wax ka qabashadooda ay yihiin kuwan:

1.Xasillinta dalka, sarraynta sharciga iyo dawlad wanaagga.

2.Soo noolaynta adeegyada bulshada.

3.Nabadaynta iyo dib u hashiisiinta.

4.Soo noolaynta dhaqaalaha dalka.

Baaqan xildhibaannada ayaa noqonaya culayskii ugu weynaa ee madaxweynaha Somaliya ka soo wajaha gudaha Soomaaliya.