Booliska Oo Ku Dhawaaqay In La Xidhay Xubnihii Al-Saaciduuna Bilxaq

0
477

Hargeysa(Geeska)-Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iimaan, ayaa ku dhawaaqay inay xabsiga u taxaabeen xubnihii dhawaan Hargeysa ka sheegay inay taageersanyihiin urur diimeedka Al- Saadicuun Bil Xaq.

Xubanaha ayaa ahaa afar, waxaana taliyaha boolisku uu sheegay inay gacanta ku dhegeen sadex kamid ah, waxaanu ururkan ku tilmaamay mid khatar ku ah amniga Somaliland. waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi "Waxa ay koox wadaado ahi caasimada Hargeysa kaga dhawaaqeen urur ay ku sheegeen al-saaciduun bilxaq, kaas oo aan sharci ahayn khatarna ku ah nabadgalyada qaranka, intaas kadib waxa ay ciidanka booliska Somaliland galeen hawlgal balaadhan, waxay ciidanka boolisku gacanta ku soo dhigeen saddex xubnood oo kuwii ku dhawaaqay ururkaas ka mid ah, waxaana laga xalaaleeyay maxkamadii awooda u lahayd."

Taliyahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi"Waxaanu markiiba warbaahin ahaan idiinku yeedhnay si ay bulshada Somaliland u fahanto dadkaasi waxay yihiin, arinta loo xidhayna waa mid nabadgalyda khatar ku ah, baadhis ayaana ku socota oo dib ayaanu tafaasiil ka bixin doonaa."