Booliska Oo Beeniyay In Hargeysa Lagu Qabtay Talaagad Ay Ku jiraan Xubno Bini-aadam

0
751

Hargeysa (Geeska)-Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa beeniyey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka lagu baahiyey qaar ka mid ah goobaha ay bulshadu ku xidhiidho ee  sheegaya in la qabtay Talaagad ay ku jiraan xubno ka mid ah Jidhka Bini-aadamka  sida Beerka iyo kaliyaha, waxaanu sheegay in wax alaale wax ka jiraa aanu jirin, ee hilibkan la qabtay ahaa hilib caadiya, oo laga ganacsado, waxaanu ku taliyey in laga feejignaado wararka been abuurka ah ee Bulshada ku keenaya khal-khal iyo cabsi .

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskaas, ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku hayaan 23 dhacdo, oo khal-khal bulshada ku keenay, oo afar ka mid ahi yihiin kiisas leh raad raac, 19 kalena ay yihiin qaar been abuur ah, isagoo arimahan ka hadlayana waxa uu yidhi“Sida aad la socotaan horaantii bisha March ee 2017, waxa bilaamay hawlo lagu khal-khal galinayo nabadgalyada, cabsina ku abuuray Bulshada reer Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin dad baa la kaxaystaa, la sixray, hablo xubno lagala baxay, anigoo hore ugu waramay Saxaafadda, maantana waxaan doonayaa in wixii ka soo kordhay in aan Bulshada ugu waramo, ilaa iyo hadda waxa na soo gaadhay 23 dhacdo oo arintaas la xidhiidha, iyadoo 12 kiis aan shirkaygii jaraa’iid ee hore aan ku sheegay, afar ka mid ah ayaa waxay yeesheen raad raac, afartaas laba waxa u xidhan shan qof, labana baadhistooda gacanta lagu hayaa, Bilaysku markii ay baadhis qoto dheer ku sameeyeen afarta dhacdo ee raadka leh, midi wuxuu noqday isku day kufsi, midina waxay ahayd gabadh yar oo si khiyaano ah lagu kaxeeyey, waxaana u xidhan  afar qof, halka labada kiis ee kale laba hablood oo laga soo kaxaystay Burco baadhistoodii gacanta lagu hayo, sidoo kale 19 kiis ee kale dhammaan waxay noqdeen been abuur, iyagana ilaa hadda waxa u xidhan afar qof oo ka mid ah, dadkii been abuurkaas sameeyey”.

Taliyuhu mar uu ka hadlaayey baadhista ay wadeen waxyaabaha ay ku ogaadeen ayaa yidhi “Intii ay baadhistu socotay waxaanu ogaanay, waxa meesha ku jirta tahriib xeeladaysan, oo dadka lagu kaxaynayo, oo bilaysku is dul taagay, dadkii fulinaynayna ay mid ka mid ah Bilaysku gacanta ku hayaan, baadhista waxaanu is dul taagnay qaar ka mid ah kiisaskaas,  baadhista ka hor dhici maayo, sharciguna ma ogola. In magacyo la sheego, laakiin waxaanu is dul taagnay hablo ama nin la siiyey, ama mid la siinayo ka cararaya, waxa kiisaska been abuurka ka mid ah in dadka qaar sheegeen in irbadu lagu muday, hasa yeeshe markii ay Dakhaatiirtu baadhis ku sameeyeen, ay cadaatay in jidh ahaan iyo jismi ahaanba u caafimaad qabaan. 26 bishii saddexaad gabadh yar ayaa sheegtay inay magaalada Hargeysa ka kaxaysteen, kuna tureen agagaarka lafo-ruug, isla markaana iyadoo halkii joogta oo jahaweerarsan ay ka qaadeen gaadhi ay wataan laba gabdhood iyo wiil oo Burco la geeyey, Ciidanka Bilaysku markii ay arintaas baadhis ku sameeyeen, waxa la ogaaday oo caddaatay, oo iyana qiraal ku bixisay in arintaas waxba ka jirin, ee iyadu sameeysay, oo nin la siiyey ay ka carartay, waxa kale oo intaas dheer in dadka kiisaskan sameeyey, ay qaar yihiin caruur, kuwaas oo waalidkood sheegeen inay yihiin faro laga qaad, oo iyaga laftoodu ay khaati ka joogaanba, sidoo kale waxa 27 bishan Saldhiga Koodbuur la keenay Gabadh yar, taas oo sheegtay in magaalada Burco laga soo kaxaystay, markii ay maraysay Xaafada Sheedaha ee Magaalada Hargeysa, oo Gaadhigii lagu siday oo Noha ahaa ay qaylisay, oo ay guri gashay, Rag muwaadiinin ah ayaa soo kaxeeyey oo Bilayska ku soo simay, isla markii uu Bilaysku baadhistaas bilaabay, waxaanu ogaanay oo xaqiiqo ah oo dhaba ah inay iyadu degan tahay Magaalada Hargeysa, oo isla markii aanu baadhista bilawnay Hooyadeed iyo Aahabeedba la helay, inantaas yari da’deedii wey yaraysay 13 jir bay ku sheegtay, Hooyadeed iyo Aabaheedna 15 jir bay ku sheegeen, waxay kala oo ay badashay magacadii oo saddexan iyo magacii Hooyadeed iyo halkay ka soo jeedo,”

Taliye Fadal mar uu ka hadlaayey wararka sheegaya in dad lagala baxay Xubnahooda jidhka ayaa yidhi “Waxaanu dadweynaha u caddaynayaa in  aanay jirin dad lagala baxay xubnaha  jidhkooda, waxaan warbaahinta qaar ka arkaayey xalay (habeen hore), sawiro ay baahiyeen oo sheegaya in la qabtay talaagad ay ku jiraan xubnaha jidhka aadamaha, taas oo sal iyo raad toona lahayn, Saxaafadda qaar baa arintaas i soo weydiiyey,waan u sheegay, Afhayeenka ayaa u sheegay, wax aan raad lahayn maaha in la faafiyo,waxa la yidhi waxa la qabtay Talaagad ay ku jiraan Kalyo iyo Beer, wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, wuxuu ahaa hilibkaas caadiga ah ee la soo qalay, waxaan shacabka u sheegaya marka wararka noocaas oo kale ah ay dhegahooda ku soo dhacaan, inay Hay’addaha Amniga u sheegaan, oo aanay wararkaas faafin ayaan u soo jeedinayaa”

Taliye Fadal mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Waxaan Shacabka reer Somaliland u sheegayaa inay kalsooni buuxda ku qabaan Dawladooda iyo Ciidankooda Bilayska iyo Hay’addaha Amniga ee gacan saarka la leh, waana u balanqaadaynaa in aanu nabadgalyadooda masuul ka nahay, dhacdo wey dhacdaa, oo wey dhici doontaa, laakiin waxa taala maxa laga qabtay sidee ayaa wax looga qabtay, laakiin dhacdada waajibkiisi Bilaysku ma ka maray, taas ayaa meesha taala, waxaana sheegaya in dayaacad ay yihiin waxani 98%, waayo 23 afar u qaybi, celcelis ahaan ayey ku soo baxaysa, 23 dhacdo afar baa kiisas noqday, oo raad raac yeeshay, waxaana u sheegaya in cid kasta oo isku dayda inay khal-khal galiso Nabadgalyada Somaliland, Ciidanka Bilaysku iyo Hay’addaha Amnigu waxay ka qaadi doonan talaabo adag, oo sharci waafaqsan, waxaan Shacabka reer Somaliland xasuusinayaa in Qarankani yahay Qaran taabo galay, oo gaamuray, oo xaalado adag ka soo gudbay, iyadoo Dawladda, Shacabka,Ciidanka Bilaysku  iyo Hay’addaha kale ee amnigu is kaashanayaan, 

Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Bilayska Sarreeye Guuto Cabdirahmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo isna ka hadlay hawl galo ay Ciidamadu Bilaysku ku wadaan Gaadiidka ayaa yidhi “Muddo imika laga joogo afar cisho, anagoo fulinayna amarka Taliyaha Ciidanka Booliska, waxay Ciidanka Bilayska iyo Taraafikadu ku jeedan hawl galo, oo lagu gooynayo Bacda Madaw oo Nabadgalyada khatar ku ah, si loo garto dadka gaadidka saaran si loo sugo nabadgalyada, Ciidanka Bilaysku wuxuu afarta cisho hawl gal adag ugu jiray in Bacaha madaw lagu qabto, cidii mar labaad lagu qabtana waa ganaax, nidaamka sharciga ayaana la marinayaa haddii ILLAAHAY ka dhigo,Gaadhi kasta oo bacda laga jarana waa la qorayaa lambarkiisa, waana la diiwaangelinayaa,  si loola xisaabto si wakhtiga dambe inuu ku soo xidhay iyo in kale loo kala garto”.