Boobe Oo Heshiiska KULMIYE Ku Tilmaamay Dhuxul Dambas Huwan

0
674

Picture8Hargeysa(Geeska)-Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku dhaliilay in iyada oo aan shirweynii xisbigaas la qaban lagu dhawaaqay in aan hoggaanka xisbigaas la’la tartami doonin.waxaanu ku tilmaamay khilaafka xisbiga Kulmiye mid aan dhamaan mar haddii aan go’aan laga gaadhin musharaxa xisbigaas doorashooyinka uga tartami doona. Waxaanu heshiiskaas KULMIYE gaadhay ku tilmaamay dhuxul dambas huwan.

Waxaanu arinkaas ku tilmaay mid ka horimanaysa guud ahaan nidaamka dumuqraadiga ah ee Somaliland qaadatay, waxaanu ugu baaqay gudida diiwangalinta inay mawduuca xisbiga Kulmiye ka hadlaan, waxaanu sidan ku sheegay Boobe Yuusuf Ducaale waraysi gaar ah oo uu siiyay shabkada Hadhwanaagnews.

Ugu horayntii Booba oo wax laga waydiiyay sida uu u arko in xisbiga Kulmiye uu go’aamiyay in aan la’la tartamin hogaanka xisbigaas waxa uu yidhi“Kuma aha dimuqraadiyada xisbiga Kulmiye oo kaliyaata ee Somaliland oo dhan ayay ku tahay dhib, waa waxyaabaha aan ku talin lahaa in aan asxaabta kale ka baran, waana tusaale xun oo waxyeelo leh,waa mid ay tahay in gudidii diiwangalinta ee asxaabta inay ku ilaaliso dimuqraadiyada loo sameeyay inay wax ka tidhaahdo, ma dhici karto mana suurowda horena dunida ugamay dhicin shirweyne dhicidoona oo aynaan hubin in go’aanadiisii inta guri laysku ooto dabadeedna lagu qaato.”

Boobe Yuusuf oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxaad  arkaysaa in aanu khilaafba jirin, markaynu soo qaadno shir gole dhexe ama shirweyne ama kuwan ay  haayadaha bulshada rayidka ah qabtaan dhawr arin ayuu qabtaa oo ay ka mid tahay in warbixin laysa siiyo,in la doodo oo wax la falanqeeyo, in go’aamo la gaadho, waxa u danbeeya ee shirweynayaashaas ka soo baxaa waxa weeye waxan la yidhaahdo doorashada, waad arkaysaa iyada oo aanay shirweyniiba qaban ayay ku dhawaaqeen haddana hawlii kale oo dhan macno ma yeelanayaan. Sideebay u dhici kartaa shirweyne aan fadhiisan oo aan xilkiisii gudan oo aan ajdande yeelan, ergooyinkiisii  lahayn oo aan fadhiyin go’aamada uu gaadhi doono in maanta la sii gaadho, mushkilada Kulmiye hortaalaa ma inuu hogaanku sii joogo iyo inuu maqnaadaa, Kulmiye xisbi ayuu ahaa doorasho ayuu galay oo buug balanqaad ayuu dadka u qoray, madaxweynii isku soo sharaxay magaca Kulmiye ayaa jamhuuriyadii madax ka noqday, markii uu madax dalka ka noqday ayuu yidhi hogaamintii xisbiga waan iska wareejiyay oo Muuse Biixi ayaan uga tagay, dadkii balanqaadkii loo balan qaaday yay u raacayaan, waxa dadka lagu maaweeliyaa xisbiga talada haya, talo Allaale iyo talo ay hayaan ma jirto, beena in aynu isku sheegno maaha,  beena aynu isku maaweelino, maanta nidaamkii Maxamed Siyaad Bare halkan kama dhisna dadku wax aanay arkayn inay sheegaan oo maqlaan maaha, shirweynii oo aan dhicin ayaa la leeyahay hoggaankaasu sidiisa ayuu ahaanayaa, xaqiiqada jirtaana waxa weeye in waxan heshiiska lagu sheegayaa uu yahay dhuxul danbas huwan, mushilada Kulmiye haysataa may ahayn inuu hogaanku joogo iyo inuu tago ee waxay ahayd cida musharaxa noqonaysa ilaa hadana garan mayno cida musharaxa noqonaysa, Ma Muuse Biixi ayaa musharax ah ma madaxweyne Siilaanyo mise cid kale, arintaasi markay soo baxdo ee dhamaato ayay odhan karaan xisbigii Kulmiye ayaa heshiiyay, wali arintu waa ay dedantahay waana ayaan daro, waana wax aan asxaabta ka suurtoobin meelnaba aduunyada.way ku fashilmeen gadhwadida dawladnimada waayo way kala qaybiyeen oo kala dhaqaaqeen,ninka wasiir noqdaana golaha dhexe ayuu galayaa iyo gudida fulinta, gudida fulinta ee xisbigu ma noqon karto wasiir halkaasna cadaalad daro badan ayaa ka dhacay, waxaanay ahayd in uu Kulmiye eego markii ay xukunka qabsadeen waxii ka xumaaday iyo waxii u wanaagsanaaday.”