Bog Internet Ka Ah Oo Ragga Ka Caawinaya Helitaanka Minyarada

0
571

London (Geeska)- Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Aazaad Shiyoola ayaa sameeyey bar internet ka ah oo muslimiinta ka caawinaysa helitaanka xaas labaad. website ka www.secondwife.com oo xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska ayaa uu Aazaad ugu talogalay in dhammaan dadka guur doonka ah ee dunida jooga rag iyo dumarba ay ku xidhiidhi karaan. Aazaad waxa uu sheegay in boggan uu ugu talogalay dadka ay ka dhabta tahay in ay guursadaan, illaa haddana waxaa ku biiray boggan dadka tiradoodu gaadhayso 3600 oo u badan Kanada, Ingiriiska oo ugu tirada badan, Maraykanka, Ustareeliya iyo dad dalalka Gacanka Carabta ka soo jeeda.

Aazaad waxa uu sheegay in booggan aanu ugu talogelin muslimiinta oo keliya, ujeedada loo sameeyeyna ay tahay in la jebiyo xeerarka qoyska ee dalalka reer galbeedka oo mamnuucaya xaasaska badan, qof kasta oo xubin ka noqonayana waxaa laga rabaa in uu iska diiwaangeliyo xubinnimada bartan, taas oo uga baahan in macluumaadkiisa gaarka ah uu geliyo si boggani uu ugu sameeyo fayl u gaar ah oo ciddii u baahani xogtiisa oo waafi ah ka heli karto.

In kasta oo aanay jirin wax qofka u dammaanad qaadi kara in xidhiidhka boggani uu noqdo mid guulaysta, laakiin haddana sida uu Aasaad sheegayo isaga iyo masuuliyiinta kale ee boggaani, waxa ay ku dadaalaan in ay hubiyaan in qofka farriinta guur doon boggan u soo diraya boggani uu yahay mid ku habboon oo buuxiyey shuruudaha laga rabo, sidoo kalana la hubiyo in uu soo diyray sawirro run ah oo haddii qof dumar ah uu yahay si fiican u asturan. Masuuliyiinta boggani waxa ay sheegeen in boggani uu qofka xubinta ka ah u ogolaanayo in isaga oo xaas leh uu xaas labaad ka dhex raadsado isaga oo aan qarinayn balse raadinaya qof ku raalli ah xaaladdiisaas.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay bogga The Star waxa uu intaas ku darayaa in Aasaad oo ah ganacsada yari ku bilaabay baayacmuskhtarka oo isaga oo 21 sano jir ah maaliyadda uu haystaa ay gaadhay Hal Milyan, waxa aanu sheegay in sannadkii 2014kii ay ku dhalatay fikirka samaynta boggan, isaga oo xilligaas doonayey in dad aad u badani ay boggan ku soo biiraan si xukuumadda Ingiriiska cadaadis loogu saaro in ay dib u eegto shuruucda qoyska ee xakamaynaya guurka badan.