Biyo Cabbista Badani Waxa Ay Qofka Ka Ilaalisaa Kansarka Labadiisa Nooc Ee Ku Dhaca Kaadi-Haysta Iyo Xiidmaha

0
932

Qatar (Geeska)- Hay’adda daryeelka caafimaadka aasaasiga ah ee dalka Qatar ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in biyo badan oo qofku uu cabbaa ay ka hortag u noqon karto laba nooc oo ka mid ah kansarka.

Warmurtiyeed rasmi ah oo ay hay’addu ku faafisay barta ay ku leedahay barkulanka bulshada ee Facebook ayaa ay ku sheegtay in kansarku uu sidiisaba ku yimaaddo koritaan aan dabiici ahayn oo ku dhaca unug ka mid ah unugyada jidhka kadibna uu u beddelayo unug kansar, taas oo keenta in unugga lagu arko koritaan aan la xakamayn karin iyo kala bixis ama balaq aan xad lahayn oo ku dhaca nudaha ku dhow unugga kansarku gaadhay