Bisadda Waxaa Laga Qaadaa Cudur Dumarka Uurka Leh Dhicis Ku Keena, Tufaaxuna Bunka Ayuu Beddeli Karaa

0
872

ddddddHargeysa (Geeska)- Waa qormo kooban oo uu Wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo bandhigayo arrimo muhiim ah oo laga yaabo in dadka badankiisu aanay ogeyn ama illowsan yihiin:

1. Bisadaha:

Bisadaha oo ka mid ah xaywaannada dab-joogta ah ee sida aadka ah loogu dhaqdo guryaha ayaa boqolkiiba 80 ka mid ah waxaa dhogortooda ama saxaradooda oo si uun qofka farihiisa u gaadha kadibna aanu si fiican isaga maydhin, laga qaadaa dulin khatar ah oo lagu magacaabo Toxoplasma godnii oo sidoo kale loo qoro T. gondii ama Toxo, kaas oo keena caabuq inta la og yahay, dad tiradoodu ka badan tahay 500 oo kun oo dunida ku dhaqani ay ka qaadeen cudurro ay ka mid yihiin kuwo nafsi ah sida, diiqad, warwar, niyad xumo iyo gooni socodnimo.

Sidoo kale haddii dulinkani uu gabadha uurka leh si uun u soo gaadho ay gabadhu u gudbin karto ilmaha uurkeeda ku jira, waxa aanu ku keenayaa dhaawac khatar ah oo maskaxda ah, dhimasho iyo sidoo kale sida marar badan dhacda in ay gabadhu ilmahaas dhiciso ama isaga oo bakhti ah dhasho.

2. Tufaaxa:

Inta badan maadadda Caffeine oo laga helo bunka, shaaha iyo cabbitaannada qaar ayaa sababta koowaad ee loo xiiseeyaa ay tahay firfircoonida ay maskaxda ku beeraan iyo in qofka ay ka ilaaliyaan caajiska iyo hurdada, gaar ahaan marka uu qofku shaqada ku jiro, waana sababta ay dadka badankoodu subaxdooda ugu bilaabaan Bunka. Dhinaca kalana bunku waxa uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, laakiin mar kasta waxa ay dhakhaatiirtu ka digaan in maadaddan Caffeine ee laga raadsanayaa aanay u fiicnayn caafimaadka, gaar ahaan dadka leh dhiigkarka, wadne xanuunka, keliyo xanuunka iwm.

Qormo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee dalka Ruushka Russia today ayaa lagu caddeeyey in tufaaxu uu leeyahay awood uu maskaxda qofka ku baraarujin karo si ka awood badan awoodda maadadda Caffeine ay leedahay, khubaro baadhis ku samaysay ayaa qiray in cunista tufaaxu ay maskaxda firfircooni geliso. Arrintan ayaa bishaaro u noqonaysa dadka laga yaabo in ay bunka ama cabbitaannada kale ee Caffeine leh sababta keliya ee ku kallifaysay ay ahayd in ay iskaga ilaaliyaan qaadirada iyo caajiska, xaaladdooda caafimaadna aan lagula talin caffeine ta.